Komiishanka Iyo Xisbiyada Oo Kala Saxeexday Heshiis Ku Saabsan Xeerka Anshaxa Kaadh-qaybinta

Hargeysa (DMG) – Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Xisbiyada Qaranka, ayaa Maanta kala saxeexday Xeerka Anshaxa Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixiyeyaasha, oo 29-ka bishan laga bilaabayo Gobollada Awdal, Saaxil iyo Xeebaha Sanaag.

Kulankan Komiishanka iyo Saddexda Xisbi Qaran ku kala saxeexdeen Xeerka Anshaxa Kaadh-qaybinta, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha fulinta ee Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, waxaanu yidhi “Komiishanka iyo Saddexda Xisbi waxay halkan u joogaan inay kala saxeexdaan Xeer ka hadlaya sida loo qaybinayo Kaadhadhka (Cod-bixiyeyaasha), si Kaadh-qaybintu u noqoto mid wanaagsan oo si nabadgalyo ah ku dhacda,  oo la isla ogol yahay.”

Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi “Waxaan ILAAHAY ka rajaynayaa inuu hawshan inoogu fududeeyo sidii uu tii hore inoogu fududeeyay, oo Gacmaha la is wada haysto Dawlad iyo Xisbiyaba aynu ku galno, oo aynu ILAAHAY Talo saarano, si aynu u gaadhno Doorasho Xor iyo Xalaal ah.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaad nooga baahataan waanu idinla qabanaynaa, ee idinkuna awood baa la idin siiyey ee Xisbiga Qaldan sheega.”

Faysal wuxuu sheegay in aanu ku kalsoonayn inuu hirgalayo Xeerka loo raacayo Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta ee ay Xisbiyada iyo Komiishanku kala saxeexdeen, “Anigu ma aaminsani inuu hirgeliyo (Xeerkani), laakiin waan idiin saxeexayaa.” Ayuu yidhi.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna halkaa ka sheegay, “Xisbiyahannada Xisbiga KULMIYE waxaan farayaa inay Xeerkan anshaxa ee la kala saxeexday sida ugu hufan ugu dhaqmaan.” Ayuu yidhi.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, ayaa isaguna yidhi “Haddaanu nahay Xisbiga WADDANI waxaanu  ballan-qaadaynaa inaanu fulinno Qodobbadaa lagu heshiiyey.”
 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal