Khaatumo Oo Ka Digtey Shir Muqdisho Laga Soo Abaabulay Oo La Doonayo In Lagu Mijo-xabiyo

Buuhoodle (Dhamays) – Kooxda Khaatumo, ayaa ka ka digtay dhibaatooyin uu horseedi doono Shir Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed ka soo horjeedaa doonayaan inay ku qabtaan Magaalada Buuhoodle, kaasi oo lid ku ah Khaatumo.

Wasiirka Amniga Kooxda Khaatumo Keyse Cabdi Yuusuf ayaa waxaa uu sheegay in aan la aqbali doonin shir lagu carqaladaynayo wadahadalada u socda Somaliland iyo Khaatumo.

Kayse oo Maanta la hadlayey ciidamo wadajira oo Somaliland iyo Khaatumo ka kooban kuwaas oo uu sheegay in diyaar u yihiin in ay ka hortagaan cid kasta oo wada shir lagu carqaladaynayo wadahadalada.

"Dadka shirkaa wadaa waxa ay doonayaan in ay qalalaase ka dhaliyaan Buuhoodle, anagaa Buuhoodle iska leh ogolaana mayno, waa kuwan ciidamadii oo wadajir ah, ciidankan waa Somaliland waxaana wata kabtan Jaamac Aadan" ayuu yidhi,

Hadalka wasiirka ayaa waxaa keenay markii khilaaf ka dhex dhashay maamulka Khaatumo, kadib markii wadahadalada socda uu bilaabay Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh, kadibna ay ka soo horjeesteen qayb uu Hurmood ka yahay ku-xigeenkiisii Cabdalla Cagalule oo shir ku qabtay magaalada Muqdisho kuna baaqay shir beeleed Buuhoodle lagu qabto, kaasi oo Khaatumo oo aaminsan tahay in lagu mijo-xaabinayo Kooxda uu Hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal