Kaadh-qaadashadii Togdheer Iyo M-jeex Oo La Soo Gunaannaday

Hargeysa (Dhamays) – Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maanta Shaaciyey in Axaddii Shalay la soo gebogabeeyay Hawshii kaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka soo socda.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Komiishanka oo soo gaadhay Dhamaysnews.com, kaasi oo u qornaa sidan “Guddida Doorashooyinka Qaranka oo Shir-jaraa’id ku qabtay xarunta KDQ Hargeysa ayaa si rasmi ah u shaaciyay in la soo afmeeray kaadh qaadashadii labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Guddoomiyaha komishanka qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo arintaas ka hadlay ayaa shaaciyay in maalintii Axadda 30/07/17 la soo gababgabeeyey kaadh qaadashada labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Guddoomiyahu waxa uu sheegay in hawshaasi si nabadgalyo ah ku soo xidhmatay, sidoo kalana ay aad ugu mahad celinayaan ciidamadii amaanka hayey, saxaafadda, ardaydii ka hawl galaysay kaadh-qaybinta iyo saddexda xisbi qaran iyo dhamaan intii kale eek a hawl gashay kaadh qaadashada labada gobol.

Dhanka kale saddexda xisbi qaran oo halkaas ka hadlay ayaa aad ugu mahad naqay KDQ hawsha ay hayaan iyo sida nidaamka leh ee ay u soo gabagabeeyeen hawsha afarta gobol ee Awdal, Saaxil, Maroodijeex iyo Togdheer.

Gabagadii waxa uu Gudoomiyaha KDQ Eng. Cabdiqaadir iimaan warsame fariin u diray labada Gobo lee Sool iyo Sanaag ay kaadh qaadashadu ka bilaabmi doonto 12/07/2017 in ay u diyaar garoobaan in ay ka faa’iideystaan fursada kaadh qaadashada eek a bilaabmi doonta labada gobol.”

Allaa mahad leh

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal