Jaaliyadda Somaliland Ee Sweden Oo Ku Dhawaaqday Mudaharaad Ay Kaga Soo Horjeedaan Saldhiga Milateri Ee Berbera

Sweden (Dhamays)- Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Inanka uu sodoga uyahay Madaxwayne Siilaanyo Baashe Morgan u sheegeen jaaliyada Somaliland ee Imaaraadka in dalka dhawaan ay saldhig milatari kasamaysan doonaan dalka Imaaraadku.

 

Intii kadambaysa hadalkaa ka soo yeedhay labadaa masuul ayaa ay abaabul kujieen  qaar kamid ah jaaliyada qurbaha kunool ee Somaliland sidii ay usamayn lahaayeen mudaharaad kadhan ah saldhiga milateri ee Imaaraadka.

Waxaa ugu horaysay oo mudaharaad baalaadhan oo ka dhan ah saldhiga milateri sameeyay Jaaliyada London ee Somaliland, kaasi oo ay kahor sameeyeen banaanka hore ee Safaarada Imaaraadku kuleedahay Magaalada London.

Waxaa iyaguna abaabul iyo udiyaar garaw wada sidii ay usamayn lahaayeen mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Saldhiga Jaaliyadaha Sweden iyo Canada.

Jaaliyada Somaliland ee Sweden ayaa imika iyaduna iclaamisay inay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan saldhiga qaban doonaan, hadaba goorta, goobta iyo wakhtiga halkan ka akhri.

  Qoraal ay ku sheegeen xukuumadu inuu yahay heshiiska saldhiga milateri loogu ogolaanayo Imaaraadku inay ka samaystaan Somaliland ayay xukuumadu jujuub kumarisay baarlamaanka Somaliland.

 

Sidoo kale xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku dhawaaqayn inay xukuumada waydiisan doonaan inay mudaharaad kadhan ah Saldhiga kasamayn doonaan dalka gudihiisa.

Open chat
soo dhawoow walaal