Dawladda Itoobiya Oo Caddaysay In Soomaaliya U Dhiibtay Sarkaal Ka Mid Ah ONLF

Addis Ababa (Dhamays) – Dawladda dhexe ee Itoobiya ayaa ka hadashay Sarkaal ka mid ah Jabhadda ONLF oo Dawladda Federaalka Soomaaliya u Gacan-gelisay Toddobaadkan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Dawladda Federaalka Itoobiya Dr. Negeri Lencho, ayaa caddeeyay in Dawladda Itoobiya loo dhiibay Sarkaal ka mid ah Jabhadda ONLF oo Magaciisu yahay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in Itoobiya loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis naga dhaxeeya dowladda Soomaaliya” ayuu yidhi, Wasiirka Warfaafinta Itoobiya oo Wareysi siiyey Laanta Afka Axmaariga ee Idaacadda VOA

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale in Dawladda Itoobiya ay Jabhadda Xorreynta Ogaadeeniya ee ONLF u aqoonsan tahay Urur Argagixiso “Masuulkan (Itoobiya loo soo dhiibay)) wuxuu ka tirsan yahay ONLF oo ah Urur argagixiso ah” ayuu yidhi Dr. Negeri Lencho

Jabhadda ONLF oo ka hadashay Sarkaalka ka tirsan ee loo dhiibay Itoobiya, ayaa Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku eedaysay inay meel kaga dhacday Xuquuqda Aadamaha.

Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), ayaa Toddobaadkiii hore lagu qabtay Gobolka Gedo ee Dalka Soomaaliya, waxaana markaasi ka dib la geeyay Muqdisho oo looga soo gudbiyey Itoobiya.

Sarkaalka loo gudbiyey Itoobiya, ayaa ku soo beegmay Laba Toddobaad ka dib, markii Itoobiya ay Soomaaliya ku wareejisay illaa 121 Maxbuus oo Xabsiyadeeda ku xidhnaa Muddo dheer, kuwaasi oo dhammaantood ahaa Shacab loo qabtay si aan sharci ahayn.

Jabhadda ONLF, ayaa Dawladda Federaalka Itoobiya Dagaal kula jirtay illaa 1985-kii oo la aasaasay, waxayna doonayaan in Dhulka Soomaalida ay ka gooyaan Itoobiya.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal