Dawladda Isreal Oo Isir-sifayn Ku Tilmaamay Duqaymo Uu Turkigu Ku Bilaabay Jabhadda Kurdiyiinta Ee Suuriya

Tel Aviv (Dhamays) – Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa maanta oo khamiis ah si adag u cambaareeyey hawlgalka milatari ee Turkigu uu ku qaaday maleeshiyaadka Kurdishka ah ee waqooyiga dalka Suuriya ku sugan, waxaanu sheegay inay suuragal tahay inay dhacdo isir sifayn ka dhan ah Kurdishka Suuriya.

“Israel waxa ay si xooggan u cambaaraynaysaa hawlgaka dhulka Kurdishka Suuriya uu ku qalay Turkigu, waxaanay ka digaysaa dagaal Isir Sifayn ah oo Kurdishka ka dhan ah,” ayuu Raysal Wasaaraha Israe Benjamin Netanyahu uu ku sheegay qoraa uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, waxaanu intaasi ku daray “Israel waxa ay diyaarinaysaa inay fidiso kaalmo gargaar bani’aadanimo oo ay gaadhsiiso dadka Kurdishka ah ee dagaalka lagu soo qaaday.”

Dhinaca kale wararka ka imanaya waqooyiga Suuriya ayaa sheegaya in dagaal culus iyo duqayn uu dalka Turkigu dib ugu riixay maleeshiyaadka Kurdishka ee dalka Suuriya, dagaaladan ku barakacay dad aad u tiro badan oo rayid ah.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.