Isbahaysi Siyaasadeed Oo Ka Bilowday Soomaaliya Iyo Saamaynta Lafilaayo In ay ku Yeelandoonto Doorashada Soo Socota ee Dalkaasi Soomaaliya!

Isbahaysi Siyaasadeed Oo Ka Bilowday Soomaaliya Iyo Saamaynta Lafilaayo In ay ku Yeelandoonto Doorashada Soo Socota!

Beelaha Dir, Digil & Midhigle Oo Shirar Ay Kaga Tashanayaan Hogaaminta Soomaaliya Ku Hawlan Iyo Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya Oo Si Dhow Ula Socda!

Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka Qabsoonto Doorashada Madaxwaynaha taasi oo xiligan diyaar garawgeeda lagu jiro, in kasta oo xiligan lagu guda jiro Doorashada xildhibanada laba aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo iyagu dooran doona Madaxwaynaha cusub ee soomaaliya hogaamin doona Afarta sano ee soo socota.

Saami Qaybsiga siyaasadeed Ee Soomaaliya oo lagu qaybsato Qaabka 4.5 ayaa ah nidaamka jaan gooya doorashada Madaxwaynaha kaasi oo inta badan ay laba kamid ah beelaha Awoodaha qabaa,ilka somaliya ay ku hirdamaan Madaxwaynaha iyo raysal-wasaaraha somaliya kuwaasi oo kala ah hawiye iyo daarood, halka ay dir iyo digil iyo midhifle iyo 05 Oo lasiiyo athers, aanay hore umuuqan jirin tartanka labada Kursi ee ugu sareeya dalka.

Hadaba wararka laga helayo isbahaysigan siyaasadeed iyo Isxulifaysigan cusub ee maalmahan ka bilowday magaalada Muqdhiso iyo Nairobi ayaa lagu wadaa in ay wax ka badalaan qaabkii hore ee loo dooran jiray madaxwaynaha somaliya iyo cida qaadanaysa raysal wasaaraha kuwaasi jiho kale udhigaya loolankii kursiga madaxwaynaha ee beelaha Hawiye iyo Daarood ku loolami jireen.

Siyaasiyiinta ,aqoonyahanka iyo ganacsatada beelaha dir iyo digil iyo midhifle ayaa maalmihii udanbeeyay waxay shirar uga socdeen dalka soomaaliya gudihiisa iyo dibadiisa kuwaasi oo lafilaayo in seeska loogu dhigo siyaasad cusub iyo isabahaysi siyaasadeed oo u iba furi doona awoodoodo hor leh oo ay soomaaliya ka noqonaya karaan 50% taasi oo hadii la hirgasho keeni karta in wax weyni iska badalaan nidaamkii hore ee wax lagu qayb-san jiray iyo Guud ahaan qaabka Doorasho ee Hogaanka dowladnimada soomaaliya ee doorashada dhawaan la filaayo inay qabsoomaan.

Sidoo kale shirarka siyaasadeed ee usocda qaybo kamid ah haldoorka soomaaliya ayaa lagu wadaa in layskula qaato sidii loosoo xuli lahaa siyaasiyiin utartama Madaxwayne-nimada soomaaliya kuwaasi oo beelaha Dir, Digil, Midhigle iyo qaar kamid ah qabaa ilka kale ee soomaaliyeed ku midaysan yihiin.

Dhanka kale beesha caalamka iyo dalalka daneeya siyaasada soomaaliya ayaa la sheegay in ay si dhow ula socdaan shirar siyaasadeed ee usocda beelaha Dir.Digil iyo Midhifle, kuwaasi oo lafilayo in ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah dalka iyo dadkaba iyadoo beesha caalamka iyo wadamada sida gaarka ah u taageera soomaliya ay mudooyinkan danbe ku hawlanyihiin sidii xal waara loogu heli lahaa soomaliya islamarkaana wax weyn loo badali lahaa hogaaminta dalka.

sidoo kale waxa shirarkan u socda beelaha Dir,Digil iyo Midhifle ay Beesha caalamku sida weyn ugu taageeraysaa in la helo awood Cusub oo u dhiganta ama meesha ka saarta in xukunka soomaaliya mar walba ku hirdamaan oo isu dhii dhiibaan talada dalka laba beelood ee Hawiye Iyo Daarood balse aan beelaha kale Soomaaliyeed aan waxba laga weydiin hogaaminta wadanka hase yeeshee meel ka dhac ku ah Hanaanka dimoqoraadiyadeed.

Sikasta ha ahaatee waxaa bulshada soomaliyeed Iyo beesha caalamku ay isha ku hayaan natiijada iyo qodobada ka soo bixi doona shararkan siyaasadeed ee Cusub ee ay Beelaha Dir, Digil iyo Midhifle uga Socda dalka Gudihiisa iyo dibadiisaba.

Open chat
soo dhawoow walaal