Iran Oo Tijaabisay Gantaal Wax Ka Dili Kara Mastaafo Dhan 2000KM

Tehran (Dhamays) – Dowladda Iiraan ayaa waxa ay si guul ah u tijaabisay gantaal cusub oo riddadiisu ay meel dhexaad tahay, arrintaas oo ay ku muujinayso sida ay u diiddan tahay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Tijaabada gantaalka Khoramshahr, oo dhararkiisu uu gaadhayo ilaa 2,000 km, ayaa waxaa lagu baahiyay TV-ga qaranka. Ma cadda xilliga tijaabada la sameeyay.

Madaxweyne Trump ayaa Salaadadii waxa uu ku dhaleeceeyay Qaramada Midoobay in barnaamijka gantaallada ee Iiraan iyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015 dalkaas lala galay.

Hasa-yeeshee Jimcihii Madaxweynaha Iiiraan Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in Iiraan ay difaac ahaan u ballaadhin doonto awooddeeda milateri.

Gantaalka Khoramshahr ayaa marka hore lagu soo bandhigay dhoolatus milateri oo Jimcihii lagu qabtay magaalada Tehraan. Waxaanu gantaalkan awoodaa inuu xambaaro bambooyin nooco kala duwan leh, sida lagu sheegay TV-ga qaranka ee Press TV.

Mareykanka ayaa bishii July ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo uu Iiraan ugu soo rogay barnaamijkeeda gantaallada ridada dheer iyo waxa uu ugu Mareykanku ugu yeedhay taageerada ay Iiraan u fidiso ururrada Argagixisada.

 Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal