Hay’adda Xuquuqal Iinsaanka Ka Shaqeysa Oo Ku Baaqday In Siidaayo Weriye Lagu Xidhay Hargeysa

Hargeysa (Dhamays) – Xarunta Xuquuqal Iinsaanka ee HRC oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadashay Xadhig Xukuumadda Somaliland kula kacday Weriye lagu Magacaabo Cumar Cali Xasan (Seerbiya) oo ka hawl-gala Idaacad lagu Magacaabo Goobjoog oo xarunteedu tahay Muqdisho.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Hay’adda HRC Guuleed Dafac, ayaa u qornaa sidan “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dawladda Somaliland ugu baaqaysaa inay xorriyaddiisa u soo celiso Cumar Cali Xasan (Seerbiya) oo ah suxufi ka tirsan Warbaahinta Goobjoog.

Cumar waxa laga qabtay 8 July gegida diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa kadib markii uu ka soo noqday Muqdisho oo ah xarunta warbaahinta uu u shaqeeyo.

Cumar waxa lagu hayaa goob aan la sheegin, qoyskiisuna lama kulmin. Wax maxkamad ah lama keenin isla-markaana wax dembi ah laguma eedayn, dawladduna ma sheegin sababta ay u xidhay.

Qodobka 32(3) ee dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka aasaasiga ah ee ra'yi-dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta  oo  lagu  cabudhinayo;  hawshoodana  xeer baa nidaaminaya.”

Xarunta Xuquuqal insaanku waxay walaac ka qabtaa xadhigga suxufiyiinta Somaliland iyo isticmaalka xeerka ciqaabta ee lagu dabaqayo warbaahinta, dhaqankaas oo ka soo horjeeda dastuurka iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland.

Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xoriyadiisa u soo celiso suxufi Cumar Seerbiya.”

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal