Hay’adda Nabadda Ee Yemen Oo Shahaado Sharaf Guddoonsiisey Madaxweynaha Somaliland

Hargaysa (Dhamays) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday hay’adda nabadda iyo isdhex-galka bulshada ee dalka Yeman, kana guddoomiyay shahaado sharaf ay ugu maamuseen sidii Qaxoontiga dalka Yeman ka soo carraray loogu soo dhaweeyay Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada oo u dhignaa sidan “Weftigan ayaa Madaxweynaha Somaliland, uga yimid sidii wanaagsanayd ee ay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland usoo dhaweeyeen qaxoontigii ka yimmi dalka Yeman, waxaanay Madxweynaha guddoonsiiyeen shahaado sharaf ay ugu magac dareen shahaadada nabadda iyo horumarinta iskaashiga dunida”.

Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka Yeman Amb. Cali Maxamed Axmed ayaa sheegay in weftigani si weyn ugu faraxsan yihiin qaabilaada wanaagsan ee ay kala kulmeen Madaxwayne, Axmed Maxamed Silaanyo waxaanu yidhi  “Waxay weftigani ugu yimaadeen Madaxweynaha inay uga mahad celiyaan sidii wanaagsanayd ee Jamhuuriyadda Somaliland usoo dhawaysay qaxoontiga Yeman ka soo bara-kacay, waxaanay Madaxweynaha siiyeen shahaado sharaf la yidhaahdo shahaadada nabadda iyo soo dhaweynta, aad baanay ugu farxeen sidii wacnayd ee aynu u qaabilnay dadkaasi Yemeniyiinta ah muddadii ay halkan joogeen, iyagoo ku tilmaamay in aanay dareemayn inay meel kale joogaan waxaanay u arkayeen dad dalkoodii oo kale jooga, taas ayay ugu yimaadeen Madaxweynaha” ayuu yidhi safiirka Somaliland u fadhiya Yeman.

Dhinaca kale Guddoomiyaha hay’adda Nabadda iyo horumarinta bulshada ee dalka Yeman ahna hoggaamiyaha wattay weftigani ayaa si weyn ugu mahadceliyay Madaxweynaha JSL sida wanaagsan ee uu usoo dhaweeyay qaxoontigii tirada badnaa ee ka soo jeeday dalkooda isagoo sheegay inay Yemani abaal weyn u hayso Somaliland waxaanu yidhi  “Xaqiiqdii waxaannu Madaxweynaha sharafta leh ugu mahad-naqnay sida wanaagsan ee lanoo marti sooray iyo qalbiga wanaagsan ee uu nagu qaabilay, sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland daryeelka iyo sharafta aannu kala kulanay, taasina maaha wax ku cusub shacbiga Somaliland balse waxa jira xidhiidh dheer oo hore, kaas oo isku kaayo xidha, oo ah xidhiidh walaalnimo, xidhiidh jaarnimo, iyo xidhiidhka qoys kaliya ayaa naga dhaxeeya annaga iyo Somaliland.

Waxaannu ka mahadnaqaynaa taageerada Xukuumadda Somaliland ay siiso jaaliyada Yeman, haddii aannu nahay hay’adda Jaceylka iyo nabadda bulshadda, waxaanu  Jamhuuriyadda Somaliland u aragnaa dal nabad iyo jaceyl ku dhisan, waxaanu Madaxweynaha sharafta leh, Allaah ha xafidee guddoonsiinay shahaadada nabadda iyo Jaceylka, taas oo salka ku haysa dadaalkiisa iyo go’aamadiisa bini-aadamnimo ee uu qaatay gaar ahaan dadka Yemaniyiinta ah. Markii ay dalal badani albaabadooda ay xidheen wakhtigii collaadii iyo dagaalkii Yeman ka dhacday, Somaliland waxay ahayd xuddunta dalalkii na qaabilay, waxaanay ahayd dalkii koowaad, sida Jamhuuriyadda Jabuuti oo kale”.

Ugu danbayntii weftigani ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyay shahaado sharaf ay sheegeen inuu Madaxwaynuhu ku muttaysatay qaabiladii quruxda badnayd ee uu u fidiyay dadka qaxoontiga ah ee reer Yemaneed.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal