Hargeysa Oo Siweyn Looga Dareemaayo Diyaar Garaw-ga Xafladda Shaacinta Musharax Khaalid Cabdilaahi Falaago.

Hargeysa(Dhamays)- Qaybo kamid ah Caasimadda Hargeysa ayaa siweyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqa Iyo u diyaar garawga munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigaayo musharaxnimadda Khaalid Cabdilahi Maxamed (Falaago) oo ah Musharax u taagan kamid noqoshada Xildhibaanada golaha Deegaanka degmada Hargeysa.

Musharax Khaalid Cabdilahi Maxamed (Falaago) oo ka sharaxan Xisbiga Wadani, isla markaana kamid ah dadka ugu Tageerada badan Degmada Hargeysa Iyo Hareereheeda ayaa waxa la filayaa in maalmaha fooda inagu Soo haya Si Rasmiya loo shaacinaayo musharax-nimadiisa taasi oo wakhti xaadirkan laga dareemaayo Baraha Bulshada iyo Xaafado kamid ah Magaalada Hargeysa oo aad ku arkayso Sawiradiisa.

Mudane Khaalid Cabdilahi Falaago, waxa uu 30-kii sanno ee u dambeeyey kunoolaa Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, waana Masuul ka dheregsan baahiyaha aas-aasiga ah ee ay tabayso Caasimada Hargaysa oo loo aqoonsan yahay Caasimadii bila Kabaha ahayd.

Musharax Xildhibaan Gole-deegaan Khaalid Cabdilahi Falaago, waa Musharax aqoon-durugsan u leh, xilka u ordayo, waana masuul la Dareen ah Bulshada uu meteli doono, fadlan Muwaadin codkaaga sii Musharax Xildhibaan Khaalid Cabdilahi Fallaago, oo u qalma inuu ku metelo.
Hadaba Muwaadin ku Dooro Musharax Xildhibaan Khaalid Cabdilahi Maxamed Falaago oo Xog-ogaal u ah Baahiyaha Aas-aasiga ee Caasimada JSL ee Hargeysa.

Open chat
soo dhawoow walaal