Hargeysa Oo Laga Furay Kiniisad Dawladdu Ogolaatay

Hargeysa (Dhamays) – Haweenay Kiristaan Caddaan ah oo ku nool Caasimadda Somaliland ee Hargeys, ayaa sheegtay inay Hargeysa ka furtay Kiniisad ay ku cibaadaystaan Dadka Kiristaanka ah ee Somaliland ka shaqeeya.

Haweenaydan oo hadal ka jeedisay kulan Hargeysa lagu qabtay oo lagaga hadlayey Ahmiyadda ay leedahay Mutadawac-nimadu, ayaa sheegtay inay markii hore Somaliland u timid laba hawlood, kuwaasi oo midkood tahay inay dib u furto Kiniisad Kiristaanku ku lahaa Hargeysa oo xidhnayd 30-kii Sannadood ee u dambeeyay, hawshaasina u fushay markii Dawladda Somaliland u ogolaatay.

Haweenaydan oo Magaceeda lagu sheegay Mariane Vecchione, ayaa iyada oo Sharraxaysa Ujeeddooyinka ay Somaliland u timid, ayaa tidhi “Mudnaan weyn bay ii leedahay inaan Somaliland u joogo laba hawlood oo Mutadawac-nimo ah. Asalkaygii hore waxaan Somaliland u imid Hawl Mutadawac-nimo ah waxayna ahayd dib u furista Kaniisadda cusub ee Chatolic-ga oo dib looga furay Magaalada Hargeysa, taasi oo xidhnayd 30-kii Sannadood ee u dambeeyay.”

Haweenaydan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in Dawladda Somaliland xaqiiqsatay in Dalnimadooda muhiim u tahay inay ogolaadaan in Kiniisad laga furo Hargeysa, “Dawladda ayaa Xaqiiqsatay in Dalnimadooda muhiim u tahay in Kiristaanka loo ogolaado meel ay ku caabudaan Mad-habtooda Chatolic-ga, sidaasi awgeed Dawladdu waxay noo ogolaatay inaanu dib u soo laabano oo aanu dib u furno Kiniisad ay Kiristaanku ku cibaadaystaan..” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Hawshaa Kiniisadda markii aan dhamaystiray ka dib, waxaan hadda si Mutadawac-nimo ah uga hawl-galaa Cisbitaal Jaamacadeed oo Hargeysa ku yaalla, maaddaama oo aan Shahaadada labaad ee Master-ta ku haysto Cilmiga Caafimaadka.”

Kiniisadda dib looga furay Hargeysa isla-markaana Dawladdu ogolaatay ayaa waxay marag u noqon kartaa Walaacyo hore oo ay muujiyeen Culimada Somaliland, kuwaasi oo Digniino ka muujiyey in Shaqaalaha Ajaanibka ah ee Somaliland ku sugani ay ku lug-yeelan karaan faafinta Diimaha aan Islaamka ahayn ee ay rumaysan yihiin.

Warkan oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal