Hargeysa: Magacyada Afar Carruur Ah Oo Ku Shuf-beelay Dab Ka Kacay Gurigooda

Hargeysa (Dhamays) – Afar Carruur Ah oo Saddex Walaalo ahaayeen, Midna Ay Ilmaadeer ahaayeen, ayaa ku Geeriyooday Xalay Saqdii-dhexe ka kacay Gurigooda oo ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Dabkan oo ka kacay Cilad gashay Laydhka Guriga ku xidhnaa, ayaa waxa kale oo Dhaawac ka soo gaadhay Hooyadii dhashay Saddex ka mid ah Afarta Carruurta ah ee Dabkaasi ku Geeriyooday.

Sidaana waxa Warbaahinta u xaqiijiyey Aabaha dhalay Saddexda Carruurta ah, ka Afraadna Adeerka u ahaa Maxamed Ismaaciil Daahir oo Saxaafadda kula hadlay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo la dhigay Meydadka Afarta Carruurta ah iyo dhaawaca Hooyada Qoyskaa Masiibadu ku habsatay.

Aabbaha dhalay Carruurta oo Faahfaahinaya sida wax u dhaceen ayaa yidhi “Shalay ayaan waxa Laydhka Guriga ku jiray Shoodh, dabadeedna intaan ka xidhay (Off-gareeyay), ayaan ku idhi inta Qolada Laydhku idiin imanayso ha iskugu dhawaanina. Dabadeedna Gabadha ayaa Galabnimadii u tagtay Shirkadda Laydhka, waxay ku yidhaahdeen waanu kaa daba imanaynaa ee iska tag, sidaas ayay Cadceeddu ku dhacday (Iyagoon u imanin), Gabadhii iyo Carruurtii sidii bay ku seexdeen intay laydhkii shiteen, dabadeedna Gurigii wuxuu ka gubtay Xagga sare, iyaga oo hurda ayuu Dabkii ku soo daatay. Afartii Yaryaraa Meydkooda waalla waayay, iyadii baa Dirqi lagaga soo saaray, Carruurta Meydkooda ayaa laga soo saaray markii dabka la bakhtiiyey.”

Aabbo Maxamed Ismaaciil Daahir oo murugo badan ka muuqato ayaa sheegay in Kiiska Dhimashada Carruurtiisa uu saarayo Shirkadda lahayd Laydhka Dabku ka dhashay “Qolada Laydhka ayaan saarayaa Kiiska oo dhan, Maaddaama oo loo yeedhay oo ay Dumarka iyo Carruurta ka hagaajin waayeen Xadhkaha Laydhka.” Ayuu yidhi Aabbo Maxamed Ismaaciil Daahir.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo dhacdadan Naxdinta leh ka hadlay ayaa sheegay inaan la aasayn Meydka Carruurta illaa la ogaanayo waxa Dabku ka kacay, waxaanu yidhi isagoo ugu horreyn Tacsi u diraya Ehelka Carruurtaasi ka Geeriyoodeen “Qoyskii dhibaatadu ku dhacday ILAAHAY samir iyo iimaan haka siiyo Carruurta ka dhimato, Hooyada Cisbitaalka taallana ILAAHAY ha u sahlo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waalla ogaan doonaan Sababta Dabku u kacay, waa Shil aad looga naxo.”

Wasiirka oo la waydiiyey in Carruurta la aasayo iyo in kale, ayaa sheegay “Dariiqadu siday tahay waa in la ogaado Sababtay u dhinteen inay tahay Dab, dabadeedna la ogaado Dabku wixii uu ka kacay, markaa illaa Ciidammada Arrinta Gacanta ku hayaa War-bixin soo gudbiyaan sida Nidaamku yahay ayaanu raacaynaa.”

Taliyaha Ciidammada Dab-damiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) oo isagana Telefiishanka HCTV waydiiyey Goorta uu Dabkani kacay siday ugu gurmadeen ayaa ku jawaabay “Xalay (Habeen hore) 3:22 Daqiiqo ayaa dhiiladani soo dhacday, waxaanu gaadhnay 3:27 Daqiiqo meesha oo ahayd Sheekadaha, waxaanu gaadhnay labadii Maqsin ee Jiingadda ayaa oo isku dhacay, Carruurtuna hoosta kaga jiraan, oo Carruurtii isku hurushiibeen, wixii aanu qaban karaynay ayaanu qabanay oo waxaanu ka soo saarnay Hooyada Qoyska.” Ayuu yidhi

Aabbaha Dhalay Carruurta Ku dhimatay Dabka 

Carruurta Dabka ku Geeriyooday Magacyadoodu kala yihiin 1. Suhur Maxamed Ismaaciil 13 jir, 2. Marwo Maxamed Ismaaciil 8 jir, 3. Anas Maxamed Ismaaciil 5 jir iyo 4. Nimco Cabdi Ismaaciil 2jir, ayaa Qoyskii ay ka baxeen waxa Tacsi u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sida lagu sheegay Dhambaal soo gaadhay Wargeyska Himilo oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtii xalay (Habeen hore) galinkii dambe (24.09.2017) dabkii ka qarxay Xaafadda Ibrahim Koodbuur ee Hargeysa ku naf waayey kuwaasi oo ahaa afar caruur ahi, halka ay Hooyadii dhashayna dabkaa ku dhaawacan tahay. Caruurtaasi oo lagu mgacaabi jiray:

  1. Suhur Maxamed Ismaaciil 13 jir
  2. Marwo Maxamed Ismaaciil 8 jir
  3. Anas Maxamed Ismaaciil 5 jir
  4. Nimco Cabdi Ismaaciil 2jir

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Hooyo Khadra Aadan Xuseen iyo Aabbo Maxamed Xuseen, waxaanu Madaxweynuhu u ducaynayaa hooyo khadra oo dhaawac ka soo gaadhay dabkaasi xalay in uu  Alle caafimaad sareecana siiyo. Madaxweynuhu waxa uu qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtaasina Alle uga baryaya inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, Labada waalidna uu cawil celin khayr qabtana ugu bedelo.”

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal