Hargeysa: Madaxweyne Lagu Xanibay Madaarka Cigaal

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Maamul-Gobolleedka Gal-mudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo Maanta Safar ku soo maray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya Muddo Shan Saacadood ah ku Xayirtay Garoonka.

Madaxweynaha Gal-mudug oo Safar kaga soo laabtay Dalka Imaaraadka Carabta Maanta isla-markaana khilaaf soo kala dhex galay Dawladda Federaalka Soomaaliya awgeed u soo maray Garoonka Hargeysa, halkii uu ka soo degi lahaa Garoonka Muqdisho, ayaa sheegay in Dawladda dhexe ee Soomaaliya faro-gelin ku hayso, sidaas darteed-na ay ku Xayirtay Madaarka Hargeysa, ka dib markii sida uu sheegay Diyaarad uu kireystay markii uu Hargeysa soo gaadhay Dawladda Federaalku la gorgortantay.

Madaxweyne Xaaf oo ka soo dhoofay dalka isku taga Imaaraadka Carabta ayaa ka degay magaalada Hargeysa, isaga oo ka weecday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

‘’Saaka 6:00 Aroornimo ayaan imid magaalada Hargeysa, shan saacadood oo xidhiidh ah ayaa la igu xayiray garoonka diyaaradaha Hargeysa oo dowladda federaalka iga celisay diyaaradii aan soo kireystay oo wax kasta lagula gorgortamay.”ayuu yidhi, Madaxweynaha Gal-mudug oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado.

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay go’aanka uu ka qaatay Madaxweynaha Galmudug khilaafka wadamada Carabta ee uu ku taageeray Xulafada Sucuudiga oo Dawladda dhexe ka soo horjeeddo ayaa u muuqata mid cirka isku sii shareertay, kaddib markii mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka qaarkood ka soo horjeesteen go’aankaa.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Gal-mudug ma caddaynin in halka uu ka kireystay Diyaaradda Dawladda federaalku la gorgortantay tahay Hargeysa iyo inay tahay Muqdisho.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal