“Hargeysa ma laba maayor bay yeelatay Madaxweyne..” Dadweynaha Degan makhaayada Inanta

“Maayarka Caasimada Waxaanu ka codsanayaa In Uu Deg Deg Noosoo Gaadho,Nagana qabto dadkan magacii dawlada hoose ku shaqaynayna ilayn magaaladu laba Maayar Ma lahee”Dadwaynaha Makhaaayada Inanta.

Hargeysa(Dhamay)-Dadwayaha ku dhaqan deegaanka maqaaxida Inanta ee galbeedka hargasya ayaa cabasho xoogan ka muujiyay dhul boob,xadhig iyo tacadi joog ah oo ay sheegeen in uu ku hayo xildhibaan cabdicasiis habane (siisto) oo katirsanaa golihii deegaanka hargaysa ee wakhtigoodu dhamaaday iyo kooxo ay isku lamaan yihiin oo dhulkii ay degenayaan xoog kaga qaaday ismarkaana dantii guud ee beerahooga laga jaray ay shakhsiyaad siiyeen hadana ay doonayaan in ay dib uga qaadaan.Sidoo kale dadwaynaha Degan deegaanka maqaaxida Inanta ayaa sheegay in kooxdan uu hogaamiyo Ex Xildhibaan siisto iyo saraakiil ciidanka booliska katirsani marwalba ay ku hayaan xadhig iyo dhul boob iyagoo usheega in madaxwaynuhu usoo wakiishay in ay dadwaynaha dhulka laga qaado.

Dhanka kale bulshada deegaanka maqaaxida inanta ayaa madaxwaynaha Somaliland muuse biixi ugu baaqay in kazoo gaadho dadkan shaadhkiisi usoo xidhay iyagoo maayarka caasimada cabdikariim axmed mooge ugu baaqay in uu soo gaadho arintooda uu hoos u eego  kooxdani magacii dawlada hoose sheegaynaysana ka qabto.

Open chat
soo dhawoow walaal