“Hanjabaadaha Puntland, Wer-wer Naguma Hayaan..” Dawladda Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay Hanjabaado Maamul-gobolleedka Puntland ka soo yeedhay, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa inaan Deegaannada Sool iyo Sanaag la geyn karin Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo Maanta la hadlay Telefiishanka Bulsho, ayaa sheegay in Puntland oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya ay ku taamayeen inay khalkhal-geliyaan Doorashada Somaliland, laakiin aanay wax wer-wer ah ku haynin.

“In badan ayay Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedyada ka jiraa ku taamayeen inay faro-geliyaan Dawladda Somaliland, khalkhalna geliyaan Doorashada Shacabka Reer Somaliland u diyaar-garoobeen.

Sool iyo Sanaag-na si wanaagsan ayay uga dhacday Qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya hadal ka soo yeedhay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland “Awalba way odhan jireen waxbaanu Arbushaynaa oo way hanjabi jireen, oo waxay odhan jireen dhaqdhaqaaq ayaanu ka samaynaynaa (Gudaha Somaliland), laakiin inay wax soo tuuraan oo ay Gaadhi Kaadhadh sida iyo Gaadhi Shacab ah Rasaaseeyaan mooyaane, wer-wer naga hayaa Puntland ma jiro.”

 

 Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal