“Haddii Xariiq Yari Gaadho Soomaaliya Way Na Dhibaysaa” Guddoomiyaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay dhawaaqyo ka soo yeedhay Masuuliyiin ka mid ah Dawladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo Somaliland ku xidhiidhinayey Qarax Khasaare badan geystay oo Sabtidii Toddobaadkan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo Maanta Saxaafaddu waydiisay siduu u arko Hadallada ka soo yeedhaya Masuuliyiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Somaliland ku xidhiidhinaya Qaraxii Dadka badan ku laayey Muqdisho, ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya aanay ka dhaxaynin Colaad gaadhsiisan in Somaliland lagu eedeeyo Qaraxii dilay 3-da boqol ee Qof, waxaanu yidhi “Soomaaliya sidaa Nacab uma nihin, laakiin waxaynu isku haynaa Waar Ictiraafkayaga noo daaya Adduunka ayaanu ka raadsanaynaaye.”

Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu sheegay in Somaliland aanay Raali ka ahayn in la dhibaateeyo Dadka reer Soomaaliya “Haddii Xariiq yari gaadho Soomaaliya way na dhibaysaa, raalina ku noqon mayno Ciddii gaadhsiisa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaanu leenahay Waar Tol is-jecel aynu noqono.”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal