Guddoomiye Ku-xigeen Cusub Oo Loo Magacaabay Laanta KULMIYE Ee Maraykanka

USA (Dhamays) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Dalka Maraykanka Axmed Cabdi Jaamac Iyo Guddoomiyaha Nus-dambeedka Xisbigaas ee Waqooyiga Ameerika Aniis Cabdillaahi Ciise, ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in Xilkii laga qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga KULMIYE ee Maraykanka Cabdisalaan Baaruud Jaamac.

Labadan Masuul ayaa War-saxaafadeedkooda ku sheegay in Jagada Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE ee Maraykanka ee ka qaadeen Cabdisalaan Baaruud Jaamac u Magacaabeen Farxaan Axmed Maxamuud.

War-saxaafadeedkan oo lagu socodsiiyey Laamaha Xisbiga KULMIYE Waqooyiga Ameerika, Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE iyo Meelo kale oo badan, ayaa u qornaa sidan:-

KULMIYE  UNITED STATES OF AMERICA

BISHA: SIDEEDAAD 29, 2017

UJEEDDO:-   ISKU BEDDEL XIL SAMEEYAY

KU:Enjineer  Farhan Ahmed Mahamoud

OG: Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye North America

OG: Hoggaan ka Xisbiga Kulmiye North America

OG: Guddoomiyayaasha Laamaha Xisbiga USA

OG: Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Hargeysa  S/Land

OG: Xoghayaha Guud Xisbiga Kulmiye Hargeisa S/Land

Markaanu Aragnay xaaladda siyaasadeed ee Xisbiga kulmiye ee Mareykanku ku sugan tahay waqtigan xaadirka ah.

Iyadoo Gudoomiye ku xigeenkii Mareykanku Mudane Cabdisalaan Baruud Jaamac, bilaabay in uu la safto koox doontay in ay kala qaybiyaan taageerayaashii xisbiga ee Washington DC iyo barigeeda.

Ka dib markay dacwad ka soo gudbiyeen guddida guud ee Washington DC iyo barigeedu. Guddoomiye ku xigeenku isagoo baalmaray shaqadii loo magacaabay oo ahayd ka War haynta laamaha xisbiga ee USA.

Haddaba, sida ku cad Qodobka 13aad, farqaddiisa ( B,J,X iyo KH)  ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye, annagoo tixraacayna qodobkaasi iyo xeerkaas kor ku xusan, ku dhaqanka iyo fulintooda, loona baahan yahay in loo hoggaansamo.

Waxaanu garanay Mudane Cabdisalaan Baaruud Jaamac, inaanu ka wareejinno xilkii ahaa Guddoomiye ku xigeenka Guud ee dalka Mareykanka.  Waxaanu kaga mahad celinaynaa mudadii aad xilka Haysay.

Waxaanu xilkaa Guddoomiye ku-xigeenka guud ee Mareykanka u garanay in aanu ku wareejino Mudane Injineer Farxaan Axmed Maxamuud, laga bilaabo tariikhda kor ku xusan.”

ALLAH MOHAD LEH

Guddoomiyaha Guud ee Mus-danbeedka  Xisbiga KULMIYE Ee Waqooyiga Ameerika

Aniis Cabdillaahi Ciise

Guddoomiyaha Guud ee Mareykanka ee Xisbiga KULMIYE

Axmed Cabdi Jaamac

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal