Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Maanta Dalka Ku Soo Laabtay

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Safar ugu maqnaa Dalka Sucuudiga, gaar ahaan Magaalada Barakaysan ee Makka, ayaa Maanta lagu soo dhaweeyay Hargeysa oo ku soo laabtay.

Guddoomiyaha oo Shir-jaraa’id qabtay ka dib, soo dhaweyntii loo sameeyay, ayaa wuxuu kaga hadlay Ujeeddada Safarkiisii Sucuudiga iyo Arrimo ay ka mid yihiin Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada oo dhawaan ka bilaabmaysa Gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex.

Md. Cirro wuxuu Dadweynaha ugu baaqay inay si wanaagsan ugu soo baxaan Qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada oo haddii Alle yidhaahdo Dalka ka dhici doonto Bisha November ee Sannadkan.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal