Guddoomiyaha WADDANI Oo Eedaymo Culus U Jeediyey Xukuumadda Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa taageero u muujiyey Mudaharaad qaar ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan London ay Maanta ka hor-sameeyeen Safaaradda Dawladda Imaaraadku ku leedahay halkaasi, kaasi oo ay ku muujiyeen inay ka soo horjeedaan Saldhig Ciidan oo Imaaraadku ku yeesho Berbera.

Guddoomiyaha WADDANI oo khudbad ka jeediyey Xaflad soo dhaweyn ah oo Xisbigaasi u sameeyey Taageerayaal ku soo biiray Maanta, ayuu ku sheegay in Muwaadiniinta reer Somaliland ee Mudaharaadka ka sameeyay London ay xaq u leeyihiin, “Dhammaanteen waxa aynu taageeraynaa mudaharaadka ka dhacaaya London, halkan baana aynu kaga qeyb-galaynaa Mudaharaadka London, waxa aanu leenahay Saldhigga MAYA, ciidan shisheeye MAAYA, waxaanu rabnaa nabad, waxaanu rabnaa xasilooni.”

Guddoomiyaha WADDANI, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Md. Cirro waxa kale oo uu sheegay in Xilligii suurto-gal ah ay qabanayaan Mudaharaad lid ku ah in Imaaraadku Saldhig ku yeesho Berbera, waxaanu yidhi, “Marka aanu u aragno in ay habboon tahay waanu iclaamin doonaa Mudaharaad, waxaana aanu u soo mari doonaa dariiqa sharcigu baneeyey, wasaaradda arrimaha gudaha ayaana aanu weydiisanaynaa, qolada jaaliyadda Somaliland ee dibaddu na xaq bay u leeyihiin in ay dareenkooda cabbiraan, wadamada dibaddu na wadamadeena ayey la mid yihiin, ruqsad baa loo qaataa mudaharaadka, markaa shacbiga reer Somaliland ee ku nool Ingiriisku waxa ay ruqsad weydiisteen dawladda Ingiriiska, dawladda Ingiriisku ruqsaddii way siisay.” 

Guddoomiye Cirro wuxuu sheegay oo kale, “Waxa la sheegayaa in xukuumadda Somaliland ay lacago badan halkan ka diraysay maalmahii ugu dambeeyey oo ay u dirayso si loo joojiyo mudaharaadka (London), waxa ay faafinayaan dacaayado badan oo aan run ahayn, waxaana la sheegayaa in dadka ay Xukuumaddu la xidhiidheyso ay farayso in la daabaco calamada Soomaaliya iyo ka WADDANI oo isku dhejisan, laakiin waxa aanu leenahay taasi joojin mayso mudaharaadka, dadku na mudaharaadka way dhigayaan, ra’yigooda na way cabbirayaan, dareenkooday cabbirayaan, waxaana ay doonayaan in ay Somaliland ka badbaadiyaan ciidan shisheeye iyo saldhig Milatari.”ayuu yidhi.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal