Borama (Dhamays) – Guddoomiyaha Xisiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyey Munaasibad loo sameeyay Arday ka qallin-jabiyey Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama, wuxuu ku sheegay inuu Dalka ku soo dhaweynayo Guddoomiyihii hore ee Baanka Soomaaliya.
Faysal Cali Waraabe oo eedaymo u jeediyey Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE waxa kale oo uu sheegay inuu u Mahad-naqayo in Guddoomiyihii hore ee Baanka Soomaaliya haweenayda Magaceedu yahay Yusur Abraar oo uu sheegay inay diiday inay ka qayb-qaadato Musuqmaaasuq uu sheegay in Soomaaliya aafeeyay.
Dhamaysnews.com/Hargeisa Office