Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Ka Hadlay Dacwad Looga Soo Gudbiyey Xubin Uu Muuse Biixi Magacaabay

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa ka jawaabay Dacwad Guddiga ilaalinta Anshaxa Doorashooyinku uga gudbiyeen Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Komiishanka Aids-ka Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo Guddoomiyaha KULMIYE ku daray Guddiga soo xulista Muraaqibiinta Xisbiga ee Doorashada, kaasi oo ay doonayaan in laga saaro Guddigaasi.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Tixraacaya qoraalka Guddiga Ilaalinta Anshaxa Doorashooyinka, ayaa sheegay in Arrinta Cabdikariin Xinif aanay khusaynin Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, maaddaama oo uu yahay Xubin ku Magacaaban Wareegto Madaxweyne, sidaasi darteedna ay Arrintiisa u gudbiyaan Madaxweynaha.

War-saxaafadeed uu Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu soo saaray oo Arrintaasi kaga hadlay ayaa u dhignaa sidan:-

Ku: Sucaad Ibraahim Cabdi

Guddoomiyaha Guddida Anshaxa JSL =Hargeysa=

Og: Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL =Hargeysa=

Og:: Guddoomiyaha/Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye JSL

Og: Madaxweynaha JSL

Mudane/Marwo

Aniga oo tixraacaya waraaqda sumaddeedu tahay GA/XGA/007/2017 kuna taariikhsnayd 07/10/2017 ujeeddadeeduna ahayd Tallaabo Anshax oo lagu qaado Cabdikariim Axmed Maxamed.

Kadib markii ay ii caddaatay in Cabdikariim Axmed Maxamed ku jiro liiska Guddida soo Xulista Goob-joogayaasha ee dhawaan Xisbiga Kulmiye magacaabay.

Ka dib markii aan tixraacay hannaanka shaqaalenimo ee Cabdikariim Axmed Maxamed isla-markaana ay ii caddaatay in uu ku magacaaban yahay wareegto Madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/M/AID-KA/104-0146/082010 kuna taariikhaysan 16/08/2010.

Ka dib markii aan dib u eegay Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta AIDS-KA XEER LR.67/2014 Qodobkiisa 14aad faqraddiisa 1aad oo u dhigan sidan: (Agaasimaha fulinta iyo agaasimeyaasha kale waxaa magacaabaya xilkana ka qaadaya Madaxweynaha) isla-markaana xeerku xusay in Madaxweynuhu yahay guddoomiyaha hay’adda “AIDS-KA”.

Ka dib markii aan dib u dersay sharciga shaqaalaha dawladda Sharci LAM.7/96 Qodobkiisa 2aad faqraddiisa 1aad oo xusaya KU-DHAQIDA sharcigan oo tilmaamaya in lagu dhaqayo shaqaalaha joogtada ah ee dawladda (Kuwaas oo ay shaqaaleeyaan guddida hay’adda shaqaalaha dawladda).

Sidaas darteed, waxa aanu go’aansanay; in aanu idinku wargelino in wixii aad abaal marin ama anshax marin u aragtaan u gudbisaan Madaxweynaha JSL…”

Wada Shaqayn Wacan

Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal