Guddida Doorashoyinka Somaliland Oo Ka Jawaabay Dacwad Uu U Soo Gudbiyay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID.

Hargeysa (Dhamays)- Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa go,aan ka soo saaray dacwad uu xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ka gudbiyey xildhibaano ka tirsanaa xisbiga oo ka baxay.

 

Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid Maxamed Cali Madoobe(Jiir) ayaa warbaahinta u sheegay go,aan ay guddida doorashadu ka soo saartay dacwadii ay u gudbiyeen waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “waxa jiray in xildhibaano ka soo baxay xisbiga Ucid ay xaflad kulmiye u sameeyey ku cadeeyaan inay ka baxeen xisbiga Ucid, sharciguna uu aqoonsan yahay inay lumiyeen xubinimadii xisbiga ay ka soo baxeen isla markaana ay jirtay inaanu codsanay in la badalo xildhibaanada, guddida doorashadana aanu u gudbinay liisaskii kaydka ahaa ee badali lahaa nimankaas.”

 

Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas  raaciyey “Guddida Doorashadu waxay noo  sheegeen maanta in arinkaasi u baahan yahay tafsiir sharci oo la geeyo maxkamada ay khusayso, marka maxkamadu soo xukuntana lagu soo celin doono ayna aqbali doonaan wixii maxkamada ka soo baxa,  xubnahaasi waxay sheegeen oo ay waliba ku tiiq tiiqsadeen inay iyaga iyo taageerayaashooduba ka baxeen xisbiga Ucid, arintaas ayaana cadayn ugu filan.”

 

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal