Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyey Qorsheyaal Iyo Hal Xeer

Hargeysa (Dhamays) – Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa kulankoodii Khamiislaha ahaa ee Maanta ku ansixiyey laba Xeer oo la xidhiidha horumarinta Qaranka.

Qoraal kooban oo Madaxtooyadu Warbaahinta soo gaadhsiisay Shirkaasi ka dib, ayaa lagu sheegay in Shirka Golaha Wasiirrada oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland lagu ansixiyey Qorshaha Horumarinta Qaranka qaybtiisa labaad iyo Xeerka baadhista, Tayo hubinta iyo Caddaynta Dhoofka Kalluunka.

“Kulankii Golaha wasiiradu khamiista ku yeelan jireen qasriga madaxtooyada Somaliland oo tirsigiga kalfadhigiisu ahaa 222aad maanta oo ay taariikhdu tahay 20.07.2017   oo uu shir gudoominayey madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa cod loogu qaaday ansixinta laba xeer oo kala ah:-

1. Ansixinta qorshaha horumarinta qaranka ee 2aad.

2. Ansixinta xeerka baadhista, tayo hubinta iyo caddaynta dhoofinta Kalluunka.

Waxaanay goluhu ku ansixiyeen cod duuduub ah labadaasi xeer.”

 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal