Golaha Wakiillada Somaliland Oo Loo Doortay Guddoomiye Cusub

Hargeysa (Dhamays) – Kalfadhigii Maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa lagu doortay Guddoomiyaha cusub ee golahaasi, kaasi oo loo doortay Baashe Maxamed Faarax oo hore u ahaa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golahaasi.

Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu Arbacadii Toddobaadkii hore banneeyey Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxa ku tartamay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golahaasi Baashe Maxamed Faarax oo Xilkaa iska Casilay isla Maanta uu ugu tartamo Guddoomiye-nimada iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Talyanle).

Fadhigan oo uu Guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ayaa waxa ka soo xaadiray 78 Xildhibaan, waxaana markii koowaad Cod loo qaaday Iscasilaadda Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, si uu ugu tartamo Guddoomiye-nimada Golahaasi, waxaana ogolaaday iscasilaaddaasi 75 Mudane, waxaana waxaana diiday 2 Xildhibaan, halka aanu Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Shir-guddoominayey aanu ka codaynin.

Intaasi ka dib, waxa la gudo-galay kala doorashada Labada Xildhibaan, waxaana Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax uu helay 39, halka xildhibaan Cabdiraxmaan-Talyanle uu helay 38 cod, waxaana sidaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada ku noqday Baashe Maxamed Faarax oo Hal Cod kaga adkaaday Talyanle, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golahaasi oo fadhiga hagayey “Cabdiraxmaan-Talyanle wuxuu helay 38 Cod, Baashe Maxamed Faarax-na wuxuu helay 39 Cod” ayuu yidhi Dr. Cali Yuusuf Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilladu.

Cabdiraxmaan-Talyanle ayaa u Hambalyeeyay Baashe Maxamed Faarax oo kaga guuleystay Doorashadii Guddoomiye-nimada Wakiillada “Doorashada waxaan u arkayey Doorasho Xor iyo Xalaal ah, waxaanu Baashe igaga guuleystay Hal Cod, 38 baan helay, Baashe-na 39 Cod-buu helay, waa Dimuqraadiyadda Somaliland ku soo caano-maashay.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Cabdiraxmaan-Talyanle.

Sidoo kalena, waxa Baashe Hambalyeeyay Guddoomiyihii Hore ee Golahaasi Cabdiraxmaan-Cirro.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal