“Gobolada Dalka oo dhan waa laga helay Xanuunkii, markaa qofkasta waa inuu iska baadhaa” Madaxweyne Biixi

Hargeysa-(Dhamays)- Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shacabka la wadaagay xaaladihii ugu dambeeyey ee xanuunka Covid-19, natiijooyinka kasoo baxay baadhitaannadii la sameeyey ee caddaynaya sida uu cudurku u faafayo, isaga oo bulshadana u diray waanooyin wax ku ool ah oo ay xanuunka kaga hor tagi karaan.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay 10-05-2020, ayaa ugu horrayn shaaca ka qaaday in natiijooyinkii ugu dambeeyey ee uu saaray mishiinka casriga ah ee lagu baadhayo xanuunka COVID-19 muujinayaan inuu cudurku si xawli ah bulshada ugu dhex faafayo, islamarkaana bulshada looga baahan yahay inay halistaas soo korodhay ku baraarugsanaato, kuna dhaqmaan talooyinka Dhakhaatiirta Caafimaadka, Faah-Faahinta muuqaalka Warkaasi Halkan Hoose Ka Daawo.

Open chat
soo dhawoow walaal