Ganaciga DIINKA: Soo Hel DIIN Oo Ku Iibi $ 200,000 Dollar (War-bixin)

Muqdisho (Dhamays) – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya waxa Maalmihii u dambeeyay lagu hadal-hayey Warar sheegaya inuu ka bilaabmay Ganacsiga Xayawaanka loo yaqaanno DIINKA, kaasi oo la sheegay in lagu kala iibsanayey Lacag badan.

Ganacsiga Diinka lama oga Cidda ka dambaysa ama bilowday iibsigiisa, laakiin Wararka hor-dhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegay in Diinka la iibsanayo lagu samaynayo baadhitaan dheer, iyadoo la iibsanayo Diinka laga helo ama yeesho Astaamaha Dadka iibsanayaa doonayaan.

Wararkaasi oo dhan ayaa Dadka badankooda ula muuqday kuwa Xikaayaad ah oo Dadka qaarkood si Maad ah u faafiyeen, laakiin Weriye ka tirsan Telefiishanka Somali Cable oo arrintan u kuur-galay ayaa Wareysi la yeeshay mid ka mid ah Dilaaliinta ku hawlan iibka Diinka, waxaanu Ninkaasi Dillaalka ahi sheegay in Diinka la iibinayo looga baahan yahay inuu buuxiyo Shuruudo Dadka iibsanayaan ka rabaan, Shuruudahaasi oo ay ka mid tahay in Diinka marka la dul-saaro Mobile-ka Gacanta uu Mobile-kaasi bakhtiyo, ama uu aanteenku ka dhaco, haddii Shuruudahaa laga helo waxa lagu iibsan karaa lacag lagu qaddaray illaa 2 boqol oo kun oo Dollar.

War-bixintaasi oo Dhamaystiran halkan Hoose Ka Daawo

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal