Hargeysa (Dhamays)- Gaadhigan ayaa Waxa Saarnaa Kontiinar aad moodo in Allaabo Culusi ku Jirto, Baabuurkan ayaa waxa uu Dhaawac weyn Iyo Burbur Laxaadleh u geystay Waddada Isku Xidha Xera-awr Iyo Jigjigayar oo marka hore ba dayac badani ka muuqday, Sidoo kale’na xanibay gaadiidkii waddadaasi maraayay.
Sababta uu Baabuurkani u dhacay ayaa sida muuqata loo badinayaa In koontiinarka Saaran inaanu wax xadhko ah ama xajiyayaal ku xidhnayn hase yeeshee uu iska Dul-Saarnaa Sagxada Gaadhigan afka cirka u taagaya.
Majirto cid wax ku noqotay dhacdadan marka la reebo xanibaada culus ee uu ugeystay Jidkaasi.
Somaliland ayaan waxa Iska Caadi ah inaad arakto Gawaadhi waaweyn oo la Saaray Rar Xad dhaaf ah kaasi oo sababa dhibaatooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.
Sidaasi Darteed Somaalidu Waxay Tidhaa, wixii wax ka Culus La Saaraaba Salka Ayuu Dhulka Ku Dhuftaa.!!