Muqdisho (Dhamays) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo Maanta lagu Caleemo-saaray Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu sii wadayo Wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.
Madaxweyne Farmaajo oo Hadal ka jeediyey Xafladda lagu caleemo-saaray Maanta oo ka dhacday Muqdisho, ayaa sheegay in Wada-hadallada u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ay ahaayeen Tallaabo wanaagsan isla-markaana Xukuumaddiisu sii wadi doonto.
Farmaajo oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Wada-hadalladii u dhexeeyay Dawladda dhexe iyo Walaalaheen Somaliland waxay ahayd Tallaabo wanaagsan oo hore loo qaaday, waxaana wanaagsan inaanu sii wadno, si aanu uga midho-dhallino haddii Ilaahay yidhaahdo.”