Fannaaniinta Xiddigaha Geeska Qaarkood Oo Shil Gaadhi Ka Bedbaaday

Arabsiyo (Dhamays) – Waxa Maanta Shil Gaadhi ku galay Duleedka Galbeed ee Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley Muusishanka caanka ah ee Axmed-weli Ibraahim Furinle iyo Lix Dhalinyaro ah oo la socday.

Gaadhiga oo u Waday Axmed-weli Ibraahim, ayaa waxa la socday Lix Qof oo uu ka mid yahay Fannaanka Mursal Muuse Cumar iyo Dhallinyaro kale, laakiin wax dhibaato ahi kama soo gaadhin Shilkaasi, Wallow Gaadhigu aad u burburay.

Fannaanka Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi oo halkaa oo markii Shilku dhacay la hadlay Saxaafadda, ayaa yidhi “Waxaanu u Mahad-naqaynaa ILAAHA Raxmaanka ah oo Walaalkay Axmed-weli Furinle iyo Afar kale oo aanu Walaalo nahay (Saaxiib) ka badbaaday Gaadhi kula dhacay Degmada Arabsiyo Dusheeda, waxna ma qabaan.”

Axmed-weli Furinle oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi “ILAAHAY baa na bedbaadiyey oo Sadaqo ayaa nagu baxday, waa digniin oo ILAAHAY baanu u noqonaynaa."
 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal