Erdogan Oo Sheegay In Dawladda Turkiga & Shacabkeedu Gurmad U Soo Dirayaan Soomaalida Abaareysan

Istanbul (Dhamays) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ka hadlay xaaladda Abaaraha ee ka taagan gobolada dalka Soomaaliya, xilli dadka iyo duunyada harraad iyo gaajo ay u geeriyoonayaan.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka Recep Tayyip Erdoğan, ayaa wuxuu ku sheegay in Soomaaliya xilligan ay ka jirto xaalad khatar ah oo dhanka abaaraha ah, marka la eegayo  nolosha dadka iyo duunyada sida ay tahay.

“Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay macluul iyo dhibaato Bini’aadanimo oo aad u xun xilligan, marka dowladda Turkiga iyo shacabkeeda oo isku duuban gurmad ayay gaadhsiin doonaan Soomaaliya.” ayuu yidhi Erdoğan.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale sheegay in Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ay biloowday olole ballaadhan, oo dhaqaale loogu ururinayo shacabka Soomaalida ah ee Abaartu hayso.

 


Xukuumadda Turkiga iyo shacabkeeda, ayaa 2011 gurmad xooggan u samaysay Soomaaliya, oo xilligaasi ay ka jirtay Macluul daran, oo galaafatay nolosha in ka badan 260,000 oo qof oo carruur iyo haween u badnaa.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal