Eng, Faysal Cali-waraabe Oo Weeraray Raysal Wasaare Khayre & Xubno kamid ah,Salaadiinta Somaliland

Hargeysa (Dhamays)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka dareen-celiyey hadallo dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mid ah madax-dhaqameedka dalka oo shaaciyey inay ka qayb-qaadanayaan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madax-dhaqameedka dalka qaarkood oo dhawaan saxaafadda la hadlay, ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilay doorka wada-hadallada Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay ka gaabisay sii socoshadooda, iyagoo soo jeediyey in laga qayb-galiyo wada-hadallada.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, waxa uu madax-dhaqameedka ugu baaqay inay ku koobnaadaan waajibaadka dhinaca Dhaqanka ee loo doortay iyo hawlaha ay masuulka uga yihiin qabaa’ilka xilka u dhiibtay.

“Salaadiinta waxaanu leenahay Salaadiintii aannu naqaanay reerahooday ka shaqayn jireen, niman aan ogaynba reerkoodu wuxuu kusoo noolaa, ayaa siyaasiyiinta gelaya, salaadiin si fiican u hadashayna way jiraan,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal