Duufaanka Maria Oo 15 Qof Oo Ku Dishay Jaziiradaha Dominica

Dominica  (Dhamays) – Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay labaatan qof oo kalena waa la la’yahay jasiiradaha Dominica, ka dib markii ay ku dhufatay duufaanta Maria. Waxaana warkani sheegay ra’iisul wasaaraha jasiiradaha Caribbean-ka.

“Waxay ahayd arrin mucjiso ah in dhimashadu ayna gaadhin boqollaal.” Ayuu yidhi ra’iisul wasaare Rooseevelt Skerrit.

Duufaanta Maria ayaa garaacday deegaanada Dominica maalinimadii Isniinta waxay burburisay boqollaal guri.

Waxay sidoo kale cagta marisay duufaantani Puerto Rico. taasoo sababtay in jasiiradaasi ay koronto la’aanta noqoto.

Waxaa burburay guryo badan iyo Dugsiyo Waxbarashi, sidoo kale waxaa go’ay isgaadhsiinta. korontaduna waxay ka maqan tahay Cisbitaalo badan oo jasiiradahaasi ku yaalla.

Saraakiisha maamulka Puerto Rico ayaa dadka deegaanadaasi u sheegay inay u guuraan dhulka sare ee ka baxsan meelaha ay daadadku ka dhaceen.

Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa inay roobab badan da’aan duufaanta ka dib. Badhasaabka Jasiiradda ayaa masiibadan ku tilmaamay ‘Duufaantii ugu darnayd qarnigan’

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal