Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Ee Magaaladda Boorama Oo Diiday Nidaamka Imtixaanaadka Loo Qaado Ee Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Iyo Sababta + Muuqaal

Hargeysa (Dhamays)- Mudane, Cabdilaahi Ibraahim Habane, Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Qaranka iyo Gudoomiyaha Waxbarashada ee gobolka Awdal ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay maamulayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay  ee gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, waxana kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ay labada dhinac kaga wada hadlayeen arimo khuseeya dhinaca imtixaanaadka iyo ardayda u fadhiisanaysa.

 

Geesta Kale waxa ay wararku sheegayaan in kulankankaasi lagu kala kacay kadib markii ay maamulayaashu ka biyo diideen qoraal lifaaq ah oo ay wasaarada waxbarashadu ku codsatay in ardayda imtixaanka u fadhiisanaysa laga soo gudbiyo kaasi oo xambaarsan xogta adrdayga ee dugsiga dhexe, waxana kulankan kadib la hadlay saxaafada Wasiirka waxbarashada, Faah-faahinta Warkaasi Hoos Ka Daawo.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal