“Diidmada TALYANLE Waxay Ka Timid Cirro..”Caddaani

Hargeysa (Dhamays) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Muran ka dhashay Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Shalay ka dhacday Xarunta Golahaasi ee Hargeysa.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa Guddoomiye u doortay Baashe Maxamed Faarax oo hore u ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, waxaanu 1 Cod kaga guuleystay Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo helay 38 Cod.

Laakiin, Xildhibaan Talyanle oo Xalay hadlay ayaa sheegay inuu dib ka ogaaday in wax la is daba mariyey oo uu isagu ku guuleystay Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada, hasa-ahaatee Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani), ayaa sheegay in Xildhibaanku uu hanneeyay Xilka Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada, una hambalyeeyay Baashe Maxamed Faarax oo Doorashadaasi ku guuleystay, laakiin inuu ku doodo ay ku dhiiri-geliyeen Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI

“Haddaanu nahay Xukuumadda waxaanu qaadanay Natiijada ka soo baxday Doorashadii Golaha Wakiillada, laguna doortay Baashe Maxamed Faarax.” Ayuu yidhi, Wasiirka Warfaafinta oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxaanu intaa ku daray “Musharrax Cabdiraxmaan Talyanle iyo taageerayaashii fadhiga joogay waxay arkayeen Natiijada Doorashadii halkaa ka dhacday, laakiin Diidmada Dambe waxay caddaynaysaa inay tahay mid ka soo baxday Musharraxa Madaxweynaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro, umana qabno in Diidmadu ka timid Cabdiraxmaan-Talyanle.”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal