Dhalinyaro La Magac Baxday Maalin Qad Oo Quudi Walaalkaa Oo Deeq Ku Wareejisay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland + Video

Hargeysa (Dhamays)-Dhalinayaro la magac baxay “hal maalin qad oo quudi walaalka “ ayaa waxa ay deeq iskugu jirta raashin lacag  ku wareejiyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici , deeqdaas oo ay ugu talo galeen dadka ay  abaaraha ku dhuftay.

 

 Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naq dhalinayarada ka damqaday xaalada ay ku sugan yihiin dadkoodu waxaana uu yidhi “Waxa noo farxad ah dhalinyartan reer Somaliland gaar ahaan Caasimada hargeysa ayaa si fiican isku xil qaamay ka dib markay dareemen xaaladda dalka ka taagan iyo dadkooda ay saameynta xooga leh ku yeesheen abaaruhu waxa ay sameeyen is xilqaam ay nagu garab joogsadeen haddii aanu nahay guddidii taakulaynta abaaraha oo ay muujiyeen waxa ay qaban karaan , aad iyo aad ayaan runtii ugu mahad celinayaa waajibka aan loo diran ee ay iyagu garteen “

Cabadiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayaa sharaxay waxa ay ka kooban tahay deeqda ay soo gaadhsiyeen dhalinayarada mutadaciwinta ah

“ Lacag dhan 11, 116 kun oo doolar  iyo lacag Somaliland shillin ah oo dhan lix melyan  iyo alaab isku jirta raashin iyo hugii ay dadku huwanayeen aad iyo aad ayan ugu mahadnaqaybnaa wanan ka guddoonay” ayuu yidhi, Faah-faahinta Warkaasi Halkan hoose Ka Daawo.

Open chat
soo dhawoow walaal