DEKEDDA BERBERA:Laba Markab Oo Isku Dhacay

Berbera (Dhamays) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa sheegaya inay Xalay isku dhaceen Laba Markab oo midna ku soo xidhanayey Dekadda, midna ka sii dhaqaaqayey.

Labadan Markab ayaa Xalay xilli dambe isku dhacay,waxaanu midna siday Xoolo nool, halka ka kalena yahay nooca Koontiinarrada Xambaara, waxaanay wararku intaas ku dareen in  khasaaraha soo gaadhay labada Markab lagu sheegay in midna Taankiga biyaha waxyeelo soo gaadhay oo uu dalooshamay, halka ka kalena dhinac Taangiga Shidaalka waxyeelo ka soo gaadhay.

Inkastoo aanay wali wax war ah ka soo saarin maamulka Dekadda, hasa-yeeshee illo wareedyo ku dhow dhow maamulka Dekadda Berbera ayaa shilkaasi ku sheegay mid sahlan, waxyeeladii ka dhalatayna xalkeeda lagu jiro.

Labaddii habeen ee u dambeeyey waxa si xawli ah looga rarayey dekadda Berbera Xoolaha Nool oo la gaynayey Sucuudiga.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal