Hargeysa (Dhamays) – Waxa Maanta la soo afjaray Khilaafkii ka taagnaa Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada Somaliland, ka dib wada-hadallo dhex maray Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan Talyanle ayaa ku dhawaaqay in laga heshiiyey Khilaafkaasi.
Khilaafka ayaa lagu dhameeyay in Cabdiraxmaan Talyanle uu Tanaasulay isagoo Baashe-na Aqoonsaday in Talyanle helay 39-ka Cod, isaguna helay 38 Cod, laakiin uu Talyanle u tanaasulay.
Warkaasi oo faahfaahsan Halkan Hoose Ka Daawo
Dhamaysnews.com/Hargeisa Office