Dawladda Jabuuti Oo Sheegtay In Eratariya Ay La Wareegtay Jaziirad Ay Ku Muransanaayeen Iyo Midowga Afrika Oo Ka Hadlay Arrintaasi

Addis Ababa (Dhamays/Himilomedia) – Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladaha Jabuuti iyo Ereteria in ay xasilooni muujiyaan, ka dib markii dowladda Jabuuti ay deriskeeda Asmara ku eedeysay in ay la wareegtay  Dhul ku yaalla Xuduudka labada oo ay ku muransan yihiin.

 

Wasiirka Arimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada Ereteriya ay la wareegeen gacan ku haynta buurta iyo jaziirad-da Dumeira oo ah goob ay labada waddan isku-khilaaf-san-yihiin.

 

Arintan ayaa ka danbaysay ka dib markii dowlada Qadar ay la baxday ciidamo nabad sugid ah oo labad dhinac ku kala dhex-jiray sababo la xidhiidha in labada dowladood ay la safteen dowladda Sacuudiga iyo xulufadeeda.

 

Laakiin, War ka soo baxay Ururka Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu Guddi Xaqiiqo raadin ah u dirayo halka Labada Waddan isku haystaan.

 

“Midowga Afrika waxa uu la tashiyo dhow la yeelanayaa hoggaanka labada dowladood ee khilaafku uu ka dhaxeeyo ,waxaana meel wacan maraya dadaalo kooxo xaqiiqo raadis ah loogu dirayo xadka labada waddan“ ayuu yidhi Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mohamed oo war ka soo saaray arintan Maanta.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Ereteria oo ku aadan eedaynta loo soo jeediyay, xilli xiisadda labada dhinac u dhaxeysa ay cirka isku sii shareerayso, waxaana sida la sheegay heegan sare la galiyay ciidamada Jabuuti.

 

Ugu danbayn, dagaalkii ugu horeeyay oo labada dowladood dhex-mara ayaa qarxay sanadkii 2008-da, ka dib markii dowladda Jabuuti ay Asmara ku eedeeysay in ciidamo badan ay keentay xadka ay la wadaagaan Ereteria, waxaana xilligaa Ciidammada Eratariya Dagaalkaa ku qabsadeen illaaa 8 Askarta Jabuuti ah, laakiin Sannadkii 2016-dii ayaa Eratariya ku siidaysay waan-waan ay Dawladda Qadar ka shaqeysay.

Xigasho: Himilomedia.com

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal