Dawladda Ingiriiska Oo Walaac Ka Muujisay Musuqmaasuqa Ka Jira Laamaha Dawladda Ee Somaliland.

Hargeysa (Dhamays) – Dawladda Boqortooyada Ingiriiska, ayaa walaac ka muujisay hoos u dhaca ay sheegeen inuu ku yimid Hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, Xuquuqda Aadamaha, Musuqmaasuq iyo arrimo kale.

 

Safiir ku-xigeenka Dawladda Ingiriiska u jooga Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya Andrew Allen oo booqasho ku yimid Magaalada Hargeysa, ayaa laga Wareystay sida Dawladdiisu u aragto heshiiska Saldhigga Milletari ee Dawladda Imaaraadka ka samaysanayso Berbera iyo Sababta aanay Somaliland uga qayb-galeynin Shirka Bisha Shannaad ee Sannadkan ka dhacaya Magaalada London ee loo qabanayo Soomaalida.

 

Safiir ku-xigeenka oo ka hadlaya walaaca ay ka qabaan Musuqmaasuqa ka jira laamaha Dawladda Somaliland iyo Xuquuqal iinsaanka ayaa yidhi “Waxaan kuu sheegayaa inaanu ka walaacsanahay Hannaanka Dimuqraadiyadda Somaliland, waxa kale oo aanu Walaac ka qabnaa Arrimaha Musuqmaasuq Dalkan, waxa kale oo aanu ka walaacsanahay Xuquuqda Aadamaha sida Xorriyadda hadalka ee Somaliland, balse taasi naga joojin mayso inaanu sii wadno taageerada aanu siino Somaliland, iyadoo aanu Xilligan ognahay inay Abaaro baaxad lihi jiraan.”

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal