Dagaalka Soomaalida Iyo Canfarta Itoobiya Oo Soo Laba-kacleeyay

Itoobiya (Dhamays) – Dagaal ayaa mar kale Shalay Subax ka qarxay xadka ay wadaagaan labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya.

Aaga colaaddu ka dhacday ayaa ah agagaarka Biyacadde oo u dhaw Magaalada Cadheyti, Tuulooyinka Shakle iyo birta dheer oo dhanka magaalada Candhuufa ah iyo tuulada Qalacle oo aan ka fogeyn magaalada Garbaciise oo bil ka hor ay dagaal kula wareegeen maleeshiyaad Deegaanka Canfarta ka soo jeeda.

Ma jiraan ilaa hadda khasaare dhab ah oo ka soo baxay dagaalka Shalay iyadoo horey Canfarta ay u qabsadeen labada magaalo ee Garbaciise iyo Cadheyti oo ka mid ah saddexda magaalo ee lagu muransanaa.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Open chat
soo dhawoow walaal