Hargeysa (Dhamays) – Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Badhan ee Somaliland, ayaa waxa lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo lagu soo dhaweeyay Badhasaabka cusub ee uu dhawaan Gobolkaa u Magacaabay Madaxweynaha Somaliland.
Munaasibadda soo dhaweynta ah ee loo sameeyay Badhasaabka Badhan Cali Xuseen Soomaali, ayaa waxa ka qayb-galay Waxgaradka ku dhaqan Degmada Badhan, Masuuliyiin iyo Dad kale oo badan.
Dadkii halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Masuulka cusub ee loo soo Magacaabay Xilka Badhasaabka Gobolka Badhan uu u Qalmo Xilkiisa isla-markaana ku yaqaanaan Karti iyo Daacadnimo.