Daadad iyo Danab Dad Ku Laayey Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ayaa waxa Shalay iyo illaa Maanta ka da’ayey Roobab waaweyn, kuwaasi oo Dadka iyo Xooluhuba ku Qabowsadeen.

Roobabkaasi oo qaarkood Maanta gelinkii dambe illaa Fiidkii Caawa ka da’ayeen Gobollada Awdal, Gabiley iyo Maroodi-jeex, ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan, kaasi oo iskugu jira Dhimasho iyo dhaawaca.

Khasaaraha ugu weyn ayaa ka dhacay Degmada Baki ee Gobolka Awdal, ka dib markii Danab ka dhashay Roob ka da’ay Degmadaasi Saddexdii Galabnimo ee Maanta  uu ku dhacay isla-markaana uu dilay Hooyo iyo Ilmo yar oo ay sidatay, sida uu sheegay Maayar ku-xigeenka Degmada Baki.

Maayar ku-xigeenka Degmada Baki ayaa Warbaahinta u sheegay in Danab ku dhacay Guri ku yaalla Degmada Baki uu dilay Hooyo lagu Magacaabi jiray Habbboon Aw Cabdi iyo mid ka mid ah Carruurteeda, sidoo kalena uu dhaawac ka soo gaadhay Saygeedii oo Xilligaa Guriga joogay.

Dhanka kale, War kale oo laga helayo Gobolka Gabiley ayaa sheegay in Caawa uu Dooxa Huluuq ee Galbeedka Degmada Arabsiyo uu qaaday Gaadhi, isla-markaana uu ku dhintay Dirawalkii Gaadhiga waday, halka la soo bedbaadiyey Dadkii Rakaabka ahaa, Gaadhigiina uu la tagay.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal