Cumar Qiyaas Iyo Socdaalkiisii Berbera 24 Sano Kadib+ Waxa Uu Kala Kulmay?

Qiyaas Iyo Berbera!!
Cumar Qiyaas Iyo Socdaalkiisii Berbera 24 Sano Kadib+ Waxa Uu Kala Kulmay?
“Burji, Burhaan Iyo Buruud, Bey Isku Darsatey Berberi, Hadii Dawladaha Reer Galbeedku Yeelan Lahaayeen Berberana, Waxay Odhan Lahaayeen….”Cumar Qiyaas,
Sanadkii 1997, ayaa iigu dambeysay magaalada Berbera oon Wakhtigaas booqosho maalmo gaaban ah ugu imid nin aanu Walaalo nahay oo markaas ahaa gudoomiye Ku xigeenka Bangiga dhexe ee Berbera.

Yurub oo qaboow baan Ka soo noqdey, waxaanan la kulmay Iguna dhuftey Hanfigii Berbera oo aad u kululaa. Magaaladu waxay berigaas iila muuqatay magaalo laga guurey, waayo inta dad dhex socotaa magaalada Ayaa aad u yarayd.. Hudheel qaboojiye leh oo la noo kireeyey ayaan seexday habeenimadii , saacadu markay gaadhay laba Iyo tobankii habeenimana waxaa naga bakhtiyay laydhkii hudheelka, ninkii huteelka maamulaayeyna wuxuu nagu yidhi” suduuxa u baxa “. Waxaanu u wada baxnay suduuxii, nasiib darrase wax yar Ka bacdiba eydii magaalada joogtey oo dhan ayaa agagaarkayagii iskugu timid, kuwaasoo ,habeenkii oodhan isku cunaayey huteelka hoostiisi. Guuxa Iyo sawaxanka Eyda ayaa ahaa mid aad Ka baqaneyso isna odhanayso waxaabay kuugu Iman suduuxa. Waaberigii waxaa isna aad moodaysay inuu Tukihii magaalada joogay oo dhami toosay, waayo waxaanu meel dheer Iyo meel dhawba Ka maqlaynay qayladiisii. Habeenkaa waan hurdo xumeystey, sababteedana waxaa lahaa Ey Iyo Tuke, kuwaasoo magaalada Ka dhigay magaalo bahalo galeen ah.

Berberada Cusub;
Burji, burhaan Iyo buruud, bey isku darsatey Berberi. Hadii dawladaha reer galbeedku yeelan lahaayeen Berberana, waxay odhan lahaayeen, tani “Berberi” waa jubiter ama maaris, ambaba waaba kowkab dhulka Ku yaal.

Shalay Ayaan imid Berbera , aniga Iyo qaar Ka mid ah asxaabtey, markiibana waxa ii muuqdey sawiro hore ugu jirey maskaxdeyda,kuwaasoo ahaa sawiro la mid ah magaalooyinkii yurub Iyo Aasiya, aan ku soo arkey. Farxad Iyo kalgacal baa I galay, sidii nin la kulmay gabadh, yaraantii ay is jeclaayeen mudo badanna Kala maqnaayeen. Inantii Berberi waxay jecleysatey in aan magaalada soo wada daawano, wadooyin Buskud laga dhigay, markaanu gaadhiga Ku dhex Marney ee jidba jid kale noo dhiibay, jecleysannayna laamida gaadhigu dul mushaaxaayo, ayaa aniga Iyo inantii waxaa noo bilaabmay jacayl cusub, anagoo midkaayana aanu rabin inuu midka kale Ka hadho. Waxaad moodaa saaxiibkay Alpho-ow, inaanu nahay sidii laba hees jecayl ah oo macaan dhagahoodu maqlayaan, muuqaal bilicsanna indhahoodu dhuganayso,Ku raaxaysanaya mandarkaas macaan, Laami buskud ah,garabkeedana la mariyey wado dadku maraan, calaamadiihii wadooyinka, ee caalamka oo kale, dhir qurxoona lagu beeray magaalada. Wax yar Ka bacdi ayey gacanta I soo qabatey inantii, sida laba drone fuuley ayey magaalada kor Iga daawadsiisey.

,horumarka dekada Dpworld ay Ka wado Dekeda la balaadhiyey , wiishashka oo dhawr nooc ah, Iyo qalab faro badan oo noocyo Fara badan Ka kooban, kuwaasoo si fiican noogu muuqda . Waxay igu tidhi Cumarow aniga ayaad ii Marti tahay, waxay I geysay hoteelkii Berbera beech, halkaasoonu casho wanaagsan Ka wada cuney, Ka bacdina waxaan seexday huteelkii. Way igu soo kalahday, subaxdii horabana way ii timid oo waxaanu Ka wada quraacannay maansoor huteel. Haddii aanu quraaxdii dhamaysannayna waxay igu tidhi “dabaal beynu u bixi hadeerto”. Ma ahi nin dabaasha aad u yaqaanna oon dabaal fiican garanayn, markey aragtey aniga oo dhabarka dib u giijinaayana waxay tidhi ” Cumarow macaan ha baqan anigaa bada kaaga filane, waxaanay taasi ii noqotay dhiiri gelin, waxaanay igu dhalisay dhiiranaan sidaasaanu ugu anbo baxnay dabaal Iyo inaanu bal badda Berbera cagaha soo gelino.

Haddii baddii aanu cagaha gelinay waxaa meel aan iga fogeyn Ku dabaalanaya saaxiibkay siciid boodsane, cumar shucayb Iyo cabdilqadir. Mudo aan yarayn ayaanu dabaalanay, raggu Wax dhabarka Iyo beerka Ku dabaalanayay Iyo Wax jakedkii dabaasha loo geliyayba way lahaayeen, markaanu dabaashii dhameysannayna mar baanu dhamaantayo Ka soo wada baxnay, anagoo u anbabaxnay dhankaa Iyo xayaat hoteel halkaasoonu cunto macaan oo kaluun ah Ka Cunnay.….

Waanu iska sheekaysannay waxaanan inantii Berbera Ku idhi, ” macaanay waxaan Magaalada Ku darsanayaa fikir aan Holland Kala imid. Waad aragtaye , sawirada maanta magaalooyinka Holland leeyihiin may lahayne, waxay lahaayeen sawirro Ka duwan, kuwaasoo jirey waayo hore oo dalkaadaas fiqiir ahaa. Waxaa jiray wakhti dadku ay khaatiyaan ahaayeen oo dukhsi faro badani jiray oo dadku markay makhaayadaha wax Ka cunayaan khaatiyaan iska taagaan, mase ogtahay macaaney in markii dambe dadkaasi Heleen Amma ogaadeen inaanu dukhsigu isku taagin wixii midabkiisu buluug yahay, waxaanay bilaabeen in dharka, Gidaarda oo dhan, Albaabada, daaqadaha, miisaska,Kuraasta Iyo weelka oo dhan midabkooda laga dhigo buluug, midabkaasi waa midabka gawaadhida booliska Somaliland leeyihiin.

Waxay I dhagaysataba waxay mar dambe igu tidhi “Cumarow waan kaa filaayey intaas Iyo in Ka badan ba, waanad mahadsan tahay xabiibi, waanan gaadhsiin dadka maqaayadaha magaalada Berbera dhexdeeda Ku leh Fikirkan, si ay u tijaabiyaan Ilana dagaalamaan, dukhsiga weerarka Ku ah xiliyada loo cunto imanayo caafimaad darteed. Waxay inantii Berberi igu tidhi, “Cumarow waan kaa filaayey intaas Iyo in kale oo badan oo faa,iido Berbera u leh”, wax yar Ka bacdina waxaan inantii Berbera u sheegay in aanu berito baxayno , waanu is maca salaameyney, weedhihii u danbeeyey eenu is nidhaahnaana waxay ahaayeen ” Cumarow nagu soo noqo Iyo waayahay”, waxaanu Kala dhaqaaqnayna anagoo mid waliba midka kale xiiso weyn u hayo, Kana xun Kala tegiddooda
Waxa uu ahaa Safar xiiso badan oo I jecleysiiyay suuro galna Ka dhigay inaan marar badan oo dambe Ku soo noqdo Berbera.
Waxaan halkan Ka salaamayaa Badhsaabka gobalka saaxil, cumar shucayb, wasiirkii hore ee ganacsiga xiligii m/w. Siiraanyo, Iyo cabdilqadir ciise, waxaanan idin leeyahay sidaa Iyo nooli Kulante Iyo akhris wanaagsan.
QALINKII;CUMAR QIYAAS,

Open chat
soo dhawoow walaal