CIRRO Oo Berri Iska Casilaya Guddoomiye-nimada Wakiillada

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu Arbacada berri shaaciyo inuu iska casilay Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Sidaana waxa xaqiijiyey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Dr. Cali Yuusuf oo Saxaafadda la hadlay Maanta, ayaa sheegay in Shir-guddoon ahaan Maanta shireen, Berrina la iskugu yeedhayo Xildhibaannada, si uu Guddoomiyuhu ugu dhawaaqo inuu Iscasilay.

“Shir-guddoon ahaan Maanta ayaanu shirnay waxaana isla garanay inuu Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro maalinta Berri uu iscasilaadiisa keeno Golaha , taas ayaana keentay in xidlhibaanada la iskugu yeedho”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaa-Cirro oo isaguna markaasi ka dib la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa xaqiijiyey jiritaanka Warka sheegaya inuu Iscasilayo Berri haddii Alle yidhaahdo, "Berri waxaan isugu yeedhay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland si aan War-bixin muhiim ah u siiyo, Saxaafadda oo Marar badan Su’aalo i waydiisanayna aan Jawaabtoodii u siiyo haddii Alle yidhaahdo.” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan.

Dhinaca kale, waxa jira Xildhibaanno badan  oo tartan ugu jira inay buuxiyaan Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isku Gobol ah, halka Xildhibaanno kalena ku tartamayaan Guddoomiye ku-xigeenka labaad, haddii Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Haddu ku durku Guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahaa tan iyo 2005-tii.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal