Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Mursal Maxamed Odowaa Oo Katirsan Xisbiga Waddani! Iyo Xogaha laga helayo xadhigiisa!.

Siyaasi Mursal Maxamed Odowaa Oo Katirsan xisbiga waddani Ayaa caawa fiidkii lagu xidhay magaalada hargaysa gaar xarunta Danbi baadhista ee C.I.D-da.

Xadhiga masuulkan ayaanay ka hadal sobobta keentay ciidamada amaanku Ee ay usoo xidheen iyo danbiga loo haysto toona.
Dhanka kale wararka aanu ka helay xadhiga xukuumadu kula kacday mursal maxamed odowaa ayaa sheegay in ay keentay dhawaan markii uu warbaahinta ka dhaliilay wasiirka isgaadhsiinta Somaliland cabdiwali sheikh cabdilaahi kaasi oo uu wasiirku ka gubtay hadalka siyaasigan islamarkaana uu xadhigiisa isagu ka danbeeyo iyadoo wararku intaa ku dareen in wasiir cabdiwali dabada ka waday ciidamada xidhay mursal maxamed odowaa uuna goob joog ahaa markii lagu soo xidhay xarunta C.I.D-da.

Talaabadan uu wasiirka isgaaadhsiinta ku xidhay masuulkan ayaa noqonaysa mid uu ugu awood sheegtay shaadh dawladeed halka uu wasiirka dhawaanahanba dhaliilayay xisbiyada mucaaridka balse isaga xubintii xisbiga wadani katirsan ee ujawaabtay uu xabsiga dhigay
Xisbiga waddani ayaa lafilayaa in uu ka hadlo xadhiga sharci darada ah ee wasiirka isgaadhsiinta ku xidhan mursal maxamed odowaa oo katirsan xisbiga waddani
Hadalka uu hore wasiirka ugu dhaliilay masuulkan la xidhay ayaa sidan ahaa;