“Cidda Ka Masuul Ah Sixir-bararka Waa In Xeer Ciqaabeed Loo Sameeyo” Xildhibaan Cumar Maxamed Sanweyne

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyaha Guddi hoosaadka  dhaqaalaha ee aqalka Golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Cumar Maxamed Sanweyne ayaa faahfaahin ka bixiyey dabagal ay ku sameeyeen waxyaabaha keenay sixir bararka iyo kor u kicida sarifka lacagta doollarka.

 

Xildhibaanka oo warbaahinta kula hadlaayey xafiiskiisa magaalada hargeysa ayaa sheegay in ay daba gal ku samaynayaa waxyaabaha keenay sicir bararka iyo sarif bararka waxaana uu yidhi  “waanu daba galnay waanan ku daba jirnaa waxaa keenay sicir bararka , sicir bararka waxayo badan ayaa keenay sida xoolaha oo inaga joogsaday markaa insha allaha waa la furayaa xoolaheena

 

Cumar Maxamed Sanweyne ayaa carabaabay xeer ciqaabeed ay u samaynayaa cidda ka danbaysa sicir bararka waxaana uu yidhi

 

“guddidii madaxweynuhu u saaray  iyaguna way ku jiraa sicir bararka anaguna waxaan soo jeedinay talooyin wax ku ool ah sida Cidda Sameysa, Ama Ka Masuul Ah  Sixir-bararka Waa In Xeer Ciqaabeed Loo Sameeyo ayaanu faraha ku haynaa oo barlamaanka hor geyn doona

 

Guddoomiyaha guddi hoosaadkja dhaqaalaha ee golaha wakiillada ayaa ka jawaabay hadalo kasoo baxayey siyaasi iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada , waxaana uu Maxkamadda ugu baaqay in ay arrin hoos u eegan

 

“ haddu barlaamaanku xaaran yahay dastuurkeenuna waa xaaran ileen dastuurka jidaynaaye annagu in aan fadhino ma jeclin in aan iska tagno ayaanu jecelnahay laakiin dastuurku wuxuu dhigayaa in cid bedesha la keeno inta aney tegin marka hadaad tidhaahdo waa xaaran dowladda oo dhammi waa xaaran ninka yidhaahda waa xaaran waxa uu ku jiraa dembi qaran markaa waxa aan waydisanayaa xeer ilaaliyaha iyo Maxkamaddaba in ay wax ka yidhaadaan “ ayuu yidhi

 

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay qorshe ay waddaan qaar ka mid ah xildhibaanadda aqalka hoose ee dalka soomaaliya kuwaas oo wadda mooshin ka dhah saldhiga mellateri ee dawladda somaliland ay u saxeexday dawladda imaraadka carabta waxaana uu yidhi

 

“ barlaamanka Soomaaliya waxaan leeyahay ama aanu sax ahaano ama aanu khalad ahaano dawladdan annaga u talina annagana leh waa dawladdaydii waxa aad tihiin dihootii walaan ee isku haystay in uu nin aad u fiican yahay , waran ayuu qaadan jiray oo wuxuu la dagaalami jiray balaha yar yare e hawada duula markaa cidlay la dagaalamayaan”

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal