Ceel-biyood Laga Hirgeliyey Dhaboolaq Iyo Mid Kale Oo La Dhagax-dhigay + Daawo Muuqaal

Dhaboolaq (Dhamays) – Ceel-biyood, ayaa laga hirgeliyey Deegaanka Dhaboolaq ee Galbeedka Magaalada Hargeysa, waxaana la dhagax-dhigay Ceel-biyood kale, kaasi oo dhawaan la dhamaystiri doono haddii Alle yidhaahdo.

Ceel-biyoodka la dhamaystiray ee Xadhigga laga jaray iyo ka cusub ee la dhagax-dhigay oo ay Lacagta ku baxaysa ay ku soo deeqeen Qaar ka mid ah hablaha Qurba-joogta ah ee reer Somaliland ee ku kala nool Dalalka Ingiriiska iyo Sweden.

Ceelashan midna la dhamaystiray, midna la dhagax-dhigay, ayaa waxa loogu talo-galay in Si Waqaf ah ay uga cabbaan Dadka iyo Duunyada ku dhaqan Deegaanka Dhaboolaq iyo deegaannada kale ee ku dhow, iyadoo wakhtigana ay halkaasi ku sugan yihiin Dadka iyo Xoolaha ka soo baro-kacay Abaaraha ka jira Gobollada bariga Somaliland, kuwaasi oo ka faa’ideysan doona Ceelashan.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo ah isku-duba-ridaha Hawsha Ceelasha oo ugu horeyn ka hadlay Xafladdii lagu furay Ceel-biyoodka la dhamaystiray isla-markaana dhagax-dhigay Ceelka labaad, ayaa yidhi, “Ceelkan aynu u dul-joogno (Ceelka hore loo hirgeliyey ee a furay) waa Ceelkii aynu dhagax-dhignay muddo bil dhow muddo laga joogo, waa kuwaa Biyihiisii, waxa ka cabba boqollaal Neef. Sadaqo la bixiyo oo ka khayr badan biyo ma jirto, sida ku soo aroortay Axaadiista iyo Qur’aankaba.”

Sheekhu wuxuu u duceeyay Hablihii soo bixiyey Lacagta lagu hirgeliyey Ceelka la dhamaystiray, “Hablahaa reer Sweden ee ay ka wakiilka ahayd Safiya Maxamed Yuusuf waakaa Ceelkii aad soo bixiseen (Lacagtiisa), waxaanu leenahay ILAAHAY Miisaanka Xanaadkiina ha idiinku daro, Dariiqa Jannada ILAAHAY ha idiinku fudeydiyo, Carruurta iyo idinkana ILAAHAY ha idin barakeeyo.”ayuu yidhi.

Sheekhu wuxuu markaasi ka dib, Dhagax-dhigay Ceel-biyood kale, “Halkan waxaanu ka dhagax-dhigaynaa Ceel-biyood Dadka iyo Xooluhu ka cabbaan, oo If iyo Aakhiraba lagu liibaanno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaanu halkan uga Mahad-naqaynaa Hablaha London jooga ee Ceelkan soo bixiyay, kuwaasi oo ku bahoobay Dalladda la yidhaahdo BUREEQA. Hablahaasi oo ah Hablo khayr badan waxa ka Wakiil ah oo Lacagta soo xawishay Fihiima Xaaji Siciid Axmed, waxaanu ugu duceynaynaa in halkii ay ka soo saareen wax ka khayr badan ugu beddelo.”

Dadka ku dhaqan deegaanka Labada Ceel-biyood midna la dhamaystiray, mid kalena la dhagax-dhigay, ayaa u Mahad-celiyey Hablaha ugu yaboohay Ceelashan iyo Sheekh Aadan-Siiro oo ka shaqeeyay.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal