CEEL AF-WEYN: Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Dhex Maray Maleeshiyo-beeleedyo Oo Kordhay

Ceel Af-weyn (Dhamays) – Dagaal Shalay illaa Xalay fiifkii laba Maleeshiyo-beeleed ku dhex marayey Fiidkii Tuulada Dararweyne oo hoos tagta Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, ayaa waxa kordhay Khasaaraha ka dhashay.

Dagaalkan oo u dhexeeya laba Beelood oo halkaa wada dega, ayaa waxa ku dhintay Lix Qof oo ka kala tirsan Labada Maleeshiyo-beeleed, waxaana ku dhaawacmay 18 Ruux oo kale.

Sidaana waxa sheegay Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Labada Maleeshiyo-beeleed, ayaa dagaalkoodu uu Shalay gelinkii dambe ka qarxay gudaha Tuulada Dararweyne, waxaanu dagaalkaasi socday illaa Fiidkii Xalay, taasina waxay sababtay Dhimashada Lix Ruux oo maleeshiyaadka ka mid ahaa iyo dhaawaca inta 18-ka kale.

Maleeshiyaadkan ayaa waxa Xalay kala dhex galay Ciidammada Qaranka ee Aagga Ceel Af-weyn ku sugan sida uu sheegay Taliyaha Ciidammada Qaranka ee Aagga Bari, kuwaasi oo illaa hadda kala dhex fadhiya.

Dagaalka u dhexeeya Maleeshiyaadka labada Beelood ee halkaas wada dega, ayaa dhowr jeer soo noqnoqday.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal