WARAR

Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

  Hargeysa (Dhamays) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dawladaha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga. Kulankan oo ku qabsoomay Hab Online ah, iyadoo la adeegsanayo Aaladda la iska arko ee loo yaqaano Zoom, ayaa waxa Maxamuud Xaashi ku wehelinayey Cadnaan Saleebaan Hagoog oo ka tirsan Xafiiska Midowga Yurub ...

Read More »

Komiishanka Doorashooyinka oo Shaaciyey inay Maanta ku eekayd is Casilaada dadka ka shaqeeya Laamaha dawladda iyo Ciidamadda ee hanku kaga Jiro doorashooyinka soo socda

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeeyey in muddada sharcigu u banneeyey inay isku casilaan dadka shaqaalaha dowladda ah darajo kasta oo ay leeyihiin iyo saraakiisha ciidammada ee doonaya inay isku sharaxaan Golayaasha Wakiillada iyo degaannada ay ugu dambayso maanta oo ah (Salaasa, 2 March 2021). Warsaxaafadeed ka soo baxay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa u ...

Read More »

Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo Amar Adag La Dul-dhigay

Hargeysa (Dhamays)- Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa  lagu amray in ay ka gaabsadaan ka hadalka doorashooyinka deriska Somaliland. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland, waxaanu u dhignayd sidan:–

Read More »

Golaha Guurtida Somaliland oo Gudi U Saaray Xeerka Dekaddaha Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Golaha guurtida Somaliland ayaa guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas ku wareejiyay xeerka dekaddaha Somaliland. Fadhi ay yeesheen golaha guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayay guddoomiyaha golahaasi mudane, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayay xildhibaanada golahaasi dood ka yeesheen xeerka dekaddaha Somaliland. Saleebaan Maxamuud Aadan guddoomiyaha golaha guurtida ayaa sheegay in xeerkaas lagu loo gudbiyay guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas, si ...

Read More »

Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadlay Xadhiga Weriye Muddo U Xidhnaa Maamulkiisa

Garoowe (Dhamays) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xadhiga weriye lagu magacaabo Kilwe Aadan oo muddo ka badan laba bilood ah ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Garowe. Madaxweyne Deni oo ka hadlayay shirweynaha ururka saxaafadda Puntand ee MAP, ayaa sheegay in weriyaha loo haystay dambi uu galay, balse wuxuu tilmaamay in baadhitaankiisu ...

Read More »

Prof Buubaa “Soomaalida Geeska Afrika Ma Kala Maarmi Karto”

Hargeysa (Dhamays) — Prof, Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka tirsan xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani, ayaa sheegay in aanay dadka Soomaaliyeed kala tagi karin islamarkaana aanay kala maarmi karin hadii la doonayo nolol tan dhaanta. Ismaaciil Buubaa, ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in Soomaalidu aanay meel gaadhi karin hadii anay midoobin. “Anigu waxan aaminsanahay, dadka Soomaaliyeed in anay kala ...

Read More »

Ciidanka Booliska Ee Laascaanood oo Soo Bandhigay Hub iyo Mindiyo Ay Qabteen

Laascaanood (Dhamays)- Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa xalay kormeer kedis ah ku tegay saldhigyadda booliska iyo suuqyadda magaaladaasi. Kormeerkasi ayuu sidoo kale badhasaabku ku soo maray suuqyada iyo wadooyinka magaaladaasi oo ay ciidamadu ka fulinayeen hawl gallo ay ku baadhayeen baabuurta dadweynaha. “Waxaan caawa kormeer kadisa ku tegay, saldhigyada Booliiska iyo suuqyada magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood. Ujeedka kormeerka ayaa ...

Read More »

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay oo Cunaqabateeyey Hoggaamiyeyaal Ka Tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Dhamays)- Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay Saddex Sarkaal oo ka tirsan Ururka Al-shabaab sida lagu sheegay bayaan Goluhu uu soo saaray 26kii bishan oo ku beegneyd maalintii shalay. Saraakiishan la sheegay in cunaqabateynta lagu soo rogay ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan, Macalin Ayman iyo Mahad Karataay, oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee ururka ...

Read More »

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Warbaahinta Uga Digtay Ka Hadalka Arrimaha Ciidamada

Hargeysa (Dhamays) – Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa uga digtay qaybaha Warbaahinta Somaliland inay ka feejignaadaan ka hadalka arrimaha Ciidamadda . War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska af-hayeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa u dhignaa sidan:- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxa ka dhaxeeya heshiis wada shaqeyneed oo ku dhisan ku dhaqanka xeyndaabka  ...

Read More »

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Bixisay Ruqsadda Adeegga Lacagaha La Isugu Diro Ee Teleefoonada

Muqdisho (Dhamays)- Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay ruqsadda adeegyada lacagaha la isugu diro guddoonsiiyay shirkadda isgaadhsiinta ee Horumuud ee fadhigeedu yahay magaalada Mudisho. Waxaana tallaabadan lagu doonayo in sare loogu qaado nidaamka casriga ah ee lacagaha la isugu diro si loola jaanqaadsiiyo nidaamka caalamiga ah ee adeegyada lacagaha dunida. Shirkadda Hormuud oo Soomaaliya ka howlgaleysay tan ...

Read More »
Open chat
soo dhawoow walaal